Abiy Axmed oo shaaciyay arrimaha uu kala hadlay Xasan Sheekh kulankoodii Addis Ababa

Image

Addis Ababa – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo uga hadleen arrimo labada dal iyo gobolka ku saabsan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadajirka, iyagoo muujiyay go’aan adag oo ku aaddan horumarinta xiriirka labada dal iyo ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wadajirka dalalka Geeska Afrika si loo wajaho caqabadaha amni iyo horumarineed ee gobolka. 

"Waxaan kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si aan uga wada hadalno arrimaha labada dal iyo gobolka ee danaha wadaagga ah, ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Garowe Online ayaa ogaatay in Xasan Sheekh safarkiisa la xiriiro arinta Gedo, gaar ahaan maamulka uu damacsan yahay inuu halkaas ka dhiso oo taageero uga raadiyay Itoobiya, maadaama Ciidamada dalkaasi ay gacanta ku hayaan degmooyinka ugu badan gobolka.

Itoobiya ayaa la sheegay inaysan ku qanacsanayn qorshaha Xasan Sheekh ee Gedo, maadaama halkaas Masar rabto inay saldhigyo ka sameysato, iyadoo Addis Ababa u aragto taasi tallaabo khatar ku ah amaankeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM

Dagaalka Itoobiya oo sii fidaya, xoogagga Tigray oo qabsaday saddex garoon

Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii saddexda magaalo, halka duulimaadyada…

  • Afrika

    25-09-2026

  • 03:06PM