Afar qof oo ka tagtay Soomaaliya oo loo karantiilay Coronavirus

Image

NAIROBI, Kenya – Laamaha nabad-gelyadda Kenya ayaa maanta shaaca ka dhigay in ay degaanka Diff ee ismaamulka Wajeer kuna dhow xadka Soomaaliya ay ku qabteen afar qof oo ka timid dhanka wadanka Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in shaqsiyaadkaas looga kaxeeyay goobta gaari Ambalaas ah lana geeyay xarun lagu karantiilo dadka lagu tuhmo colka safmareenka ah ee loo yaqaano Coronavirus.

Jacob Narengo, taliyaha bileyska gobolka, ayaa xaqiijiyey in dadkaas aysan ka muuqan astaamaha, balse ay taxadarayaan. Wuxuu caddeeyay in laga qaadayo baaritaan natiijadiisa la sugayo 14-maalmood.

"Waxaa loo qabtay maadaama nagula amray in aan hakino qof walba oo ka baxaya ama soo galaya dalkeena," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Ismaaciil Isaaq, madaxa caafimaadka dowlad goboleedka, ayaa ku tilmaamay Soomaaliya "dal ku waabariista" cudurka xanuunka Covid-19.

"Waan u digeynaa dadkeena. Soomaaliya hadda waxay la ildaran tahay arrintaan. Dadka waa in ay dhab u qaataan halista. Coronavirus ma ahan wax kaftan ah," ayuu cod dheer kusoo jeediyey sarkaalka.

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey 528 kiis oo ah caabuqaa sidda fudud ku faafa; si lamid ah 28 dhimasho ah iyo 14 oo ka caafimaadey. Dhanka kale, Kenya waxaa laga helay 374 kiis; 14 geeri ah iyo 124 kalena ka bogsootay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM