Afar qof oo lala xiriiriyey maalgelinta afduubkii Silvia Romano oo la qabtay

Image

ROMA, Italy – Afar dhalinyarro ah oo lagu tuhmayo in ay maalgeliyeen dableydii afduubatay Silvia Romano ayaa soo galay gacanta Hay'adaha Ammaanka Talyaaniga, sidda uu daabacay bogga Italy kasoo baxa ee Fanpage.

Shaqsiyaadkan oo laba kamid ah ay Soomaali yihiin, labadda kelana Itoobiyaan ayaa ku kala xiran xabsiyo kala duwan oo ku kala yaala magaalooyinka Nuoro, Cagliari iyo San Vittore ee gudaha waddanka Talyaaniga.

Xilli saddex kamid ah ay da'doodu tahay 23-sano jir, waxaa lagu waramay in midkood oo 29-jir Soomaali ah oo xabsi guri ku yahay Milan, oo ah halka uu ku yaalo hoyga ay degan tahay haweenayda la qafaashay.

Ciidamadda la dagaalanka argagixisadda ayaa lasoo wariyay in hadda ay su'aallo ka waydiinayaan kiiskan isla markaana goobaha laga soo xiray laga soo helay caddeymo muujinaya lacagaha ay direen.

Sidda ku xusan warbixinta, shabakadan ayaa u safartay gobolo kala duwan oo dhaca waqoyga Talyaaniga si ay u soo uruuriyaan lacagtaas isla markaana ugu deeqaan xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Mareegga Fanpage ayaa wuxuu intaas ku daray in shaqsiyaadkan ay lacago u diri jireen jabhadda xorreynta Ogaadeeniya ee loo garan og-yahay ONLF.

"Kooxdan waxay bilowday uruurinta lacagta bishii September ee 2018-kii si ay u xoojiyaan howlgaladda argagixisadda, waana suurtagal in lacagta qaarkeed ay luntay intii ay uruurinayeen," ayay qormadu raacisay.

Caddeymaha laga soo uruuriyey goobaha laga soo xiray oo muujinaya lacagaha ay direen waxaa kamid ah dukumiintiyo xaqiijinaya wareejinta aduun lacageed gaaraya; 6,900 dollars, 2,700 euros iyo 3,000 euros.

"Lacagahaas waxaa loo diray Soomaaliya iyo Itoobiya si loogu soo iibiyo hub iyo rasaas," ayaa laga soo xigtay baareyaasha oo intaas ku daray qaar kamid ah la tuhunsaneyaasha ay sharci darro ku joogaan Italy.

Wakaaladda wararka ANSA oo aan soo hadal-qaadin hadii eedeysaneyaasha lala xriiriyey kiiska Silvia Romano ayaa magacyadooda ku sheegtay; Isidiin Axmed, Saciid Maxamed, Rashiid Dubad iyo Cabdiqani Cusmaan.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in afartooda si wadajir ah loosoo qabtay bishii May sanadkii 2019-kii isla markaana ay dhowaan kasoo muuqan doonan maxkamad.

Shabakadan oo aysan kala caddeyn hadii xubnaheed ay afar ka badan tahay ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku lug-lahaayeen in ay si sharci darro ah kusoo geliyaan Talyaaniga tahriibayaal ka imaanaya Afirka.

Silvia Romano oo la xusay xorriyadeeda ku heshay madax furasho la bixiyey kadib markii November 2018-kii laga qafaashay Kenya ayaa si nabad ah ugu noqotay waddankeeda xilli la tibaaxay in ay Diinta Islaamka qaadatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda Itoobiya iyo Masar oo markale cirka isku shareeray sababo la xiriira webiga Nile

Hadalladan ayaa yimid iyadoo Itoobiya ay dhisayso biyo-xireenka weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo ku yaalla wabiga Nile.

  • Afrika

    13-08-2025

  • 09:33AM

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Mali oo Xabsi la dhigay iyadoo milateriga xukunka la wareegay

Mali waxaa tan iyo 2020 xukuma talis milatari oo xoog ku qabsaday talada, iyadoo 2021 ay mar kale afgambi sameeyeen.

  • Afrika

    13-08-2025

  • 09:06AM