Agabka lagu ogaado Corona ee Afrika la keenay "waa kuwa ciladeysan"

Image

DODOMA, Tanzania – Madaxweynaha dalka Tanzania, John Magufuli, ayaa su'aal ka keenay agabka lagu ogaado Covid-19 ee lagu isticmaalay waddankiisa markii tijaabooyin laga qaadey xayawaan ay positive noqdeen.

Magufuli oo si adag uga hadlay munaasabad ka dhacday magaaladda Chato ayaa tilmaamay in tijaabooyin laga qaadey xayawaanka Ariga iyo miraha Babaayga natiijada kasoo baxda noqotay in ay qabaan cudurka.

Hogaamiyahaan oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyay in qalabka lagu ogaado xanuunka ee la keenay Afrika ay "ciladeysan yihiin".

"Tani macnaheedu waxay u badan tahay in ay tahay in dadka qaarkii ay noqdeen positive iyagoo aanan qaadin Coronavirus," ayuu raaciyey.

Laamaha ammaanka ayuu ku amray in ay hubiyaan tayadda agabka baaritaanka, kahor inta aan lagu sameynin baaritaanka dadweynaha.

"Tani waa waxa dhacaya. Horey baan u sheeg, ma aqbaleyno in gargaar walba uu u wanaagsan yahay qarankan," ayuu hadalkiisu raaciyey, isagoo ku nuux-nuux saday ahmiyada ay leedahay in la baaro qalabka.

Hadalka Magufuli ayaa kusoo aadaya xilli uu wajahayo dhaleeceyn ku saabsan in xukuumadiisu ka gaabisay ka hortagga caabuqa. Gudaha Tanzania, waxaa laga soo wariyey 480 kiisas ah iyo 16 ruux oo u dhimatay safmarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM