Al-Shabaab oo hindistay xeelado cusub si ay ugu kabto dhaqaalaheeda
NAIROBI, Kenya – Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa maduufikeeyay [xeelad gacan ku sameys ah] qaabab cusub oo ay dooneyso in ay dib ugu kabto dhaqaalaheeda burburay, sidda uu qoray wargeyska afka dheer ee Daily Nation.
Jaraa'idka oo soo xiganaya warbixin amni ayaa daboolka ka qaadey in hindisahaan cusub uu si toos ah u saameyn doono degaanada waqooyi barri dalka Kenya ee dhaca xuduudka Soomaaliya, oo ah fariisinka xagjiriinta.
Warbixinta oo si gaar ah farta ugu fiiqdey Wajir, Mandera iyo Garissa ayaa intaas ku dartay in dagaalameyaal Kenyan ah oo lagu soo tababaray Soomaaliya ay ka shaqeyn doonan dhaqan-gelinta qorshahaas.
Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa lumiyey gacan-ku-haynta qaybo muhiim ah oo ka tirsan Soomaaiya, halkaas oo ay ka heli jireen dhaqaalo, waxayna taas burbur ay u horseedey nidaamka dakhliga ee argagixisadda.
Al-Shabaab ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay sarre-u-qaadey weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya kadib markii ay ku daabushay dagaalameyaal cusub oo ay ka qoratay gobolada leysku yiraahdo waqooyi barri iyo xeebaha.
Mitidiinta cusub ee kamid noqdey jihaad-aloosyaasha ayaa la tilmaamay in ay durba bilaabeen in ay "qaab burcadnimo ah" dadka uga qaadaan lacago baad ah.
Sidda laga soo xigtay warbixinta dhanka ammaanka, isbedelka xeelada dhakhli uruurinta ee gudaha Soomaaliya waxay ka dambeysay markii uu xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Amiirka Al-Shabaab iyo madaxa maaliyada.
Hogaamiyaha, Axmed Diiriye oo loo garan og-yahay Abuu Cubeyda, iyo Mahad Karate, madaxa maaliyadda, ayaa isku qabtay maareynta lacagta soo gasha kooxda.
Warar ayaa sheegaya in tan iyo markii ay soo if-baxdey kala aragti-duwanaanta ay ku kala sugan yihiin goobo kala duwan isla markaana uu soo kala dhex-galay shaki ku aadan in midkood uu khaarijin karo kan kale.
Ugu dambeyntii, warbixinta ayaa soo bandhigtay magacyadda qaar kamid ah xubnaha ay Al-Shabaab ka qoratay gudaha Kenya ee la qorsheeyay in ay fuliyaan istaraatiijiyada cusub ee dhaqaalaha ay ku kabcineyso.
Maalim Yusuf Hassan Abdullahi, Abdirashid Ibrahim, aka Osman Noor, Ahmed Dabar, Issack Okolla iyo Mohamed Bilal Olow ayay ku kala tilmaamtay, wallow aan wali lasoo bandhigin muuqaaladooda si shacabka uga feejignaadaan.
GAROWE ONLINE