Al-Shabaab oo in ka badan 50 qof "ku xasuuqdey" waqoyga Mozambique

Image

MAPUTO, Mozambique – Taliska Booliska Mozambique ayaa sheegay in maleeyshiyaadka Al-Shabaab ay waqoyga dalkaas ku dileen 52 ruux oo dadka degaanka ah. Xasuuqaas wuxuu ka dhacay tuulada Xitaxi.

Orlando Mudumane, afhayeenka bileyska, ayaa xusay in badi dadka la laayey ay yihiin dhalinayaro. Wareysi uu siiyey warbaahinta dowladda ayuu ku shaaciyey in la beegsaday markii ay diideen in ku biiraan ururka.

Mr Mudumane ayaa intaas ku daray in da'yartaas qaabka loo dilay si wadar ah, qaarkoodna la gowracay kuwa kale toogasho lagu dilay.

Marka laga soo tago shaacinta dowladda, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadan oo illaa iyo haatan kasoo baxa kooxda.

"Falkaan foosha iyo naxariisadarada ah ayaa dhacay 7-dii April," ayuu Orlando Mudumane ku daray, isagoo ku goodiyey in ay talaabo adag ay ka qaadi doonan dagaalameyaasha uu ku qeexay "jihaad-aloosyaal".

Waqoyga Mozambique waxaa ka jirta koox la magacbaxday Al-Shabaab, balse lama xaqiijin karo haddii ay gacansaar la leeyihiin dhaqdhaqaaqa ka howlgalka dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika ee Soomaaliya.

Waqoyga Mozambique ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee laga helo kheyraadka dabiiciga ah, waxaana sanadihii u dambeeyay ku loolamayey qaar kamid ah shirkadaha shidaalka kuwooda ugu waaweyn caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM