Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Image

BAMAKO – Caasimadda dalka Bamako ayaa wajahaysa xaalad go’doon ah kadib markii maleeshiyaad Islaami ah ay adkeeyeen xannibaad ku soo rogeen waddooyinka muhiimka ah ee gala magaalada, maalmo uun kadib dilkii wasiirkii gaashaandhigga.

Kooxda Jama'at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) ayaa ku dhawaaqday in “cidna aan loo oggolaan doonin inay mar dambe soo gasho” magaalada, taasoo cabsi gelisay malaayiin qof oo ku nool xarunta dhaqaalaha ee Mali.

Dad badan ayaa ku go’doonsan waddooyinka, gaar ahaan jidka u dhexeeya Bamako iyo Kéniéba, halkaas oo gaadiid iyo dad safar ku jiray ay ku xaniban yihiin saacado iyo maalmo.

“Ciidankeennu ma awoodaan inay na difaacaan. Sidee ayaan guryahayaga ugu laaban karnaa?” ayay tiri hooyo labo carruur ah leh oo ku xanniban waddada.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda si joogto ah loo xiro, inkasta oo mararka qaar gaadiid yar uu si tartiib ah u dhex maro marka maleeshiyaadku ka dhaqaaqaan.

Xiisaddan ayaa sii korortay kadib weerarro is xigxigay oo ay toddobaadkii hore fuliyeen isbahaysi u dhexeeya kooxaha jihaadiga ah iyo fallaagada waqooyi, oo ay ka mid tahay Azawad Liberation Front (FLA), kuwaas oo doonaya inay ridaan taliska milatari ee uu hoggaamiyo Assimi Goïta.

Intii lagu jiray weerarradaas, wasiirkii gaashaandhigga Mali, Sadio Camara, ayaa lagu dilay qarax la rumeysan yahay inuu ahaa gaari is-miidaamin ah oo ka dhacay agagaarka Bamako. Aaskiisa ayaa lagu qabtay ammaanka oo aad loo adkeeyay.

Dhanka kale, ciidamada Mali ayaa taageero ka helaya kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee Africa Corps, oo ka dhalatay Wagner Group. Si kastaba, ciidamadaas ayaa laga saaray magaalada Kidal kadib cadaadis uga yimid fallaagada, taasoo muujinaysa hoos u dhac ku yimid awoodda dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale xannibaad buuxda la saaray magaalada Ségou, halkaas oo boqolaal gaadiid ah ay ku xaniban yihiin, dadkuna ay la ildaran yihiin biyo iyo cunto yari.

Hoggaamiyaha junta-da, Goïta, ayaa ballan qaaday tallaabo adag oo ka dhan ah fallaagada, isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay gaarsiiyeen “khasaare culus” kooxaha hubeysan.

Si kastaba, falanqeeyayaal ayaa ka digaya in xaaladda ay muujinayso daciifnimo ku timid dowladda, iyadoo dalka uu mar kale wajahayo khatar amni oo ballaaran.

Dalal ay ka mid yihiin France, Canada iyo United Kingdom ayaa muwaadiniintooda ku booriyay inay ka baxaan Mali, halka United States ay kula talisay inay guryahooda joogaan.

Iyadoo xaaladdu cakiran tahay, qaar ka mid ah dadka ajnabiga ah ayaa go’aansaday inay sii joogaan dalka. “Ma tagayo, waan jeclahay Mali,” ayay tiri haweeney Faransiis ah oo muddo dheer ku noolayd dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM