Aabe lagu tuhmay Al-Shabaab iyo labadiisa caruur oo la khaarijiyey

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa lasoo wariyey in howlgal ay xalay ku beegsadeen guri ku yaala xaafadda Kibundani ee degaanka Kwale ay ku dileen aabe iyo labadiisa caruur oo lagu tuhmay AlShabaabnimo.

Mohamed Mapenzi ayaa lagu waramay in uu bam-gacmeed kusoo tuuray ciidamada intii howlgalka uu socday. Caruurta oo isaga uu dhalay waxaa la aaminsan yahay in uu gabaad ahaan ugu haystay guriga.

"Isla markiiba saraakiisha ay jabiyeen guriga, wuxuu si dhaqsiyaha ugu soo gannay bam-gaccmeed sababtay dhaawaca midkood," ayuu wargeyska afka dheer ee Daily Nation kasoo xigtay warbixin taliska kasoo baxday.

Xaaska ruuxa la tuhunsan yahay iyo saddex caruur kale oo uu dhacay oo sidoo kale ku dhaawacmay howlgalka ayaa Isbitaal la dhigay.

Illo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyey in hoyga Mapenzi uu far-muuqay la tuhunsane kale oo ka tirsan maleeyshiyada Al-Shabaab.

Saidi Chitswa oo loo garan-og-yahay Ninja oo ah ninka bixiyey xogta Mapenzi isla markaana Shabaabka u qori jiray dhalinta ayaa lasoo xiray markii la helay xog sheegeysa in uu qorsheynayo weeraro.

Goobjoogeyaal ayaa tilmaamay in ciidamadda booliska sidda gaarka ah u tababaran ay hoyga Mapenzi kasoo saareen qoryaha fudud, bam-baanooyin iyo darees ciidan.

"Laba ruux kale oo laga shakiyey ayaa laga soo xiray goobta," ayuu yiri Washington Njiru, oo ah madaxa Hay'adda Dambi-baarista.

Bishii hore ayay ahayd markii Mombasa lagu dilay laba lagu tuhmayo Al-Shabaab. Suleiman Ali Kodza iyo Kodza waxaa lagu waramay in ay ka tirsanaayeen shabakadda Mapenzi ayna maleegayeen weeraro.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa xoojiyey baacsiga xubnaha Al-Shabaab kadib markii bilowgii sanadkan 2020 ay weeraro dhowr ah ka geysteen waqooyi-bari waddankaas, halkaasoo ay ku laayeen tobanaan kale oo shacaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM