Cagjar oo shaaciyey xudunta khilaafka kala dhaxeeya 'jabhadda' ONLF

Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Madaxweynaha Kilinka Shanaad, Mustafa Muxumed Cagjar, ayaa xaqiijiyey in khilaaf iyo loolan siyaasadeed uu xukuumadiisa degaanka kala dhaxeeyo Jabhada Xorreynta Ogaadeeniya ee ONLF.

Ismaandhaafkaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay si toos ah u soo shaac-baxay ayaa sababay in ay warbaahinta isku mariyaan hadalo kulul.

Cagjar oo u waramay barnaamijka Ifiye ee ka baxa telefishinka maxaliga ah ee Universal ayaa xudunta khilaafka ku sheegay isbedel lagu sameeyo magaca ONLF "maadaama uu ka turjumayo mid qabiil gaar ah".

"Jabhadda aad ka hadleyso waxaa la yiraahdaa Ogaden National Liberation Front, jabhadda la yiraahdo WSF waxay kamid ahayd marxalad kamid ah halganka ee shacabka nagayadda uu soo maray arrinteedana waxay soo dhamaatay horaantii sideetamadiiyaddii, marka jabhadda aan hadda ka hadleyno si shacabka u fahmaan maadaama ay jiraan qaar badan oo aan xogta haynin ay jiraan, sidda aad adigu sheegtay, laakiin shacab balaaran baa dhageysanaya, jabhadda aad hadda ka hadleyso waa jabhad la yiraahdo Ogaden National Liberation Front, ONLF la yiraahdo weye, waa sax jabhadaas Soomaali Galbed lama yiraahdo waxyaabaha aan isku haysano ayay kamid tahay magaca in ay bedelaan oo magac Soomaaliyeed ay qaataan oo magaca qabiilka ay ka tagaan oo ay Soomaali oo dhan metelaan," ayuu ku tilmaamay mowqifkiisa.

ONLF oo heshiis ka kooban saddex qodob oo ay la gashay dowladda dhexe ee Itoobiya dib ugu soo laabatay degaanka ayaa noqotay xisbi mucaarad ah, waxayna u tartamayaan doorashooyinka gobolka ee soo aadan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Cagjar ayaa loolanka siyaasadeed ee soo ifbaxaya ku sifeeyay "mid ay ku iibinayaan aragtidooda" kuna durayaan fekerka ONLF, wuxuuna meesha ka saarey in uu jiro wax intaas ka baxsan.

"Hadal xanaf ah oo dhibaato leh ma jiro, cid walba barnaamijkeeda siyaasadeed ayay iibineysaa marka in ay dhibsadaan maahan aragtida aan ka qabno iyaga ee u soo marino warbaahinta," ayuu ku nuux-nuux saday.

Dhanka kale, madaxweyne Cagjar ayaa wuxuu beeniyey in uu horey u sheegay in ONLF ay dhiig daadisay, sidaas awgeed looga baahan yahay raaligelin.

Ugu dambeyntii, wuxuu balanqaadey in doorashadda soo aadan ee ka dhici doonta degaanka ay noqon doonto mid xor ah isla markaana xalaal ah. Coddeynta oo loo balansanaa bisha August ee sanadka waa baajiyey cudurka Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM