Carro ka dhalatay go'aan ay Kenya u soo rogtay la tacaalida Covid-19

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay Soomaalida ku dhaqan dalkaas la beegsaneyso go'aanada lagu xakameynayo Coronavirus, iskana indhatireyso meelaha kale ee halista ka jirto.

Cabashadda ugu badan ayaa todobaadyaddii lasoo dhaafay ka imaaneysay magaaladda Islii, halkaas oo jaaliyadda ku badan tahay, markii lagu soo rogay go'doon mamnuucaya isu socodka shacabka.

Islii oo Soomaalidu ku badan tahay waa ku yaala mid kamid ah suuqyadda ugu mashquulka badan guud ahaan Kenya. Sidda lawada og-yahay, isu dhowaanshiyaha waa hab uu ku faafo Covid-19.

Bandowgaas oo shalay la kordhiyey lana gaarsiiyey illaa iyo horaanta bisha June ee sanadkan 2020 taas oo ka dhigan in aysan jirin dabaaldega Ciidul Fidriga ayaa si gaar ah u saameeyay dadka danta yar.

Qaarkood oo si furan ula hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyay xukuumadda Nairobi in ay "midab-takooreyso," waxay ka codsadeen Xildhibaanadda metela in ay wax ka qabtaan tabashooyinkooda.

Aamino Axmed Maxamed, mid kamida hooyooyinka danta yar ee nololsha reerkeeda ku tiirsan tahay shaqada maalinlaha ah ee waratada, ayaa sheegtay in go'aanka badowga uu "hali dhinac yahay".

Iyaddoo luuqad adag adeegsaneysa, Aamino oo la hadashay Dalsan Tv ayaa waxay rumeysan tahay in lagu bartilmaameedsanayo "Soomaalinimadda".

"Qofna ma jecla in habeen iyo maalin uu garabka ku guuro danta ayaase i yeeshay,waxaa la ii xiray Soomaali baa tahay awgeed sidaan aaminsanahay," ayay tiri, iyaddoo is-waydiisay sababta looga talagelin waayey xayiraadda la saareeyay ee saameynta ba'an u geysatay noloshooda.

Sidda ay sheegtay Qaramadda Midoobay, fayruska Corona iyo talaabooyinka lagula tacaalayo waxay dibadda u soo saareen heerka nolosha dadka saboolka iyo kuwa ladan marka ay musiibooyinku dhacaan.

Hooyo Aamino iyo qaar kaloo badan ayaa la daalaadhacaya in ay maareeyaan nolosha reerkooda xilliga bandowga maadaama aysan lahayn keyd badan, dowladuna aysan u diyaarin qorshe lagu kabo.

"Barkintooda ayay dheereysteen, ilmahooda ayay biil u heleen, ani ilmaheyga way baahan yihiin. 'Nin baahan geed kama gudo, nin gowracan geed kama guddo' ayay tiri Soomaali," ayay raacisay, iyaddoo ku tartarsiisay mas'uuliyiinta dowladda dhexe in ay bedelaan siyaasadooda ku aadan Islii.

Kenya ayaa laga xaqiijiyey in ka badan kun xaaladood oo ah safmarka Coronavirus, intaas waxaa wehlisa 50 dhimasho ah iyo ku dhowaad 400 oo ka caafimaadey. Islii waxay kamid tahay magaalooyinka laga helay caabuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM

Kenya: Bas Sidday Dad Aas Ka Soo Qaybgalay oo Ku Rogmaday

Mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto ammaanka waddooyinka si looga hortago dhacdooyin naxdin leh oo kale.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 09:47AM