Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Image

NAIROBI – Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo ay fuliyeen dagaalyahanno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo beegsaday saldhig ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo ku yaalla degmada Lafey oo ku dhaw Mandheera, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka dalkaasi.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in koox hubeysan oo lagu qiyaasay ku dhowaad 10 dagaalyahan ay weerarka ku qaadeen saldhigga fiidnimadii Arbacada, iyagoo rasaas ka furay meel qiyaastii 600 mitir u jirta xarunta ciidamada.

Ciidamada ku sugnaa saldhigga ayaa si degdeg ah uga jawaabay weerarka, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad hubeysan oo socday dhowr daqiiqo. Weeraryahannada ayaa ugu dambeyn dib uga guray goobta iyagoo aan u suurtagelin inay gudaha u galaan saldhigga ama ay waxyeello gaarsiiyaan.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay in aanu jirin askari ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarka, isla markaana aysan wax khasaare ah soo gaarin saldhigga la bartilmaameedsaday.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya, iyadoo la bilaabay howlgallo lagu baadi-goobayo kooxdii ka dambeysay isku dayga weerarka.

Inkasta oo aanay jirin cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, haddana mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in qaabka loo fuliyay uu u eg yahay weerarradii hore ee Al-Shabaab, oo marar badan weerarro ka geystay gudaha Kenya, iyagoo ka aargoosanaya ka qaybgalka ciidamada Kenya ee howlgalada amniga Soomaaliya.

Magaaladda Mandheera, oo xuduud la leh Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa muddo dheer wajahayay falal amni darro iyo weerarro lala xiriiriyo Al-Shabaab, iyadoo ciidamada Kenya ay sii wadaan dadaallada lagu sugayo ammaanka gobolkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM