Ciidamada Nigeria oo u aargudaya askar looga dilay weerar jidgal ah

Image
Ciidamadan ayaa Jimcihii la soo dhaafay ku sugnaa tuulada Karaga ee deegaanka Shiroro.

NAIROBI, Kenya - Ciidamada Nigeria ayaa wacad ku maray in ay u aargudi doonaan lix askari oo lagu dilay weerar gaadmo ah xilli ay hawlo nabadeed ka wadeen gobolka bartamaha Niger todobaadkii hore.

Ciidamadan ayaa Jimcihii la soo dhaafay ku sugnaa tuulada Karaga ee deegaanka Shiroro halkaas oo ay ku weerareen waxa ay ciidamadu ugu yeereen Argagaxiso.

War ka soo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in tiro ka mid ah raggii weerarka soo qaaday la dilay, kuwo kalena lagu daba jiro. Waxay wacad ku mareen in "ay ka aargudan doonaan maleyshiyadda".

Askarta la dilay ayaa isugu jiray laba sarkaal oo sarsare iyo afar kale oo kale, sida ay ciidamadu sheegeen. Labo sarkaal ayaa ku dhaawacmay weerarka. Ciidanku ma aysan xaqiijin wararka gudaha ee sheegaya in hal sarkaal la afduubtay.

Ma cadda cidda ka dambeysay weerarkan gaadmada ah, balse kooxo hubeysan oo dadka deegaanka u yaqaan burcadda, ayaa lagu eedeeyay weerarradii ugu dambeeyay ee lala beegsaday ciidamada ammaanka.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Nigeria ay magaalada caasimadda ah ee Abuja ku martigelinaysay shir heerkiisu sareeyo oo heer Afrika ah kaasoo socday laba maalmood.

Weerarka gaadmada ah ayaa sidoo kale ku soo aadaya dhowr todobaad kadib markii 16 askari oo kale lagu dilay xilli ay ka jawaabayeen isku dhacyo u dhaxeeya beelo iska soo horjeeda oo ku nool gobolka saliida qaniga ku ah ee koonfurta Delta.

Nayjeeriya ayaa waxay la daalaadhaceysaa mowjado weeraro afduub oo madax furasho doon ah, iyadoo sidoo kale la dagaalantay kooxo kala duwan oo jihaad doon ah kuwaas oo inta badan ay sheegtaan Boko Haram.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ku biiraya dacwad ciqaabeed ka dhan ah Yahuuda

Koonfur Afrika ayaa kiiskan horey uga furtey Maxkamadda ugu sareysa Qaramada Midoobay.

  • Afrika

    02-05-2024

  • 05:39AM

Kenya: In ka badan 40 qof oo ku naf-waayay daad ka dhashay roob xooggan

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in 109 qof la jiifiyay isbitaalka halka 49 kalena la la’yahay.

  • Afrika

    30-04-2024

  • 04:45AM