Ciidamada Nigeria oo u aargudaya askar looga dilay weerar jidgal ah

Image
Ciidamadan ayaa Jimcihii la soo dhaafay ku sugnaa tuulada Karaga ee deegaanka Shiroro.

NAIROBI, Kenya - Ciidamada Nigeria ayaa wacad ku maray in ay u aargudi doonaan lix askari oo lagu dilay weerar gaadmo ah xilli ay hawlo nabadeed ka wadeen gobolka bartamaha Niger todobaadkii hore.

Ciidamadan ayaa Jimcihii la soo dhaafay ku sugnaa tuulada Karaga ee deegaanka Shiroro halkaas oo ay ku weerareen waxa ay ciidamadu ugu yeereen Argagaxiso.

War ka soo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in tiro ka mid ah raggii weerarka soo qaaday la dilay, kuwo kalena lagu daba jiro. Waxay wacad ku mareen in "ay ka aargudan doonaan maleyshiyadda".

Askarta la dilay ayaa isugu jiray laba sarkaal oo sarsare iyo afar kale oo kale, sida ay ciidamadu sheegeen. Labo sarkaal ayaa ku dhaawacmay weerarka. Ciidanku ma aysan xaqiijin wararka gudaha ee sheegaya in hal sarkaal la afduubtay.

Ma cadda cidda ka dambeysay weerarkan gaadmada ah, balse kooxo hubeysan oo dadka deegaanka u yaqaan burcadda, ayaa lagu eedeeyay weerarradii ugu dambeeyay ee lala beegsaday ciidamada ammaanka.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Nigeria ay magaalada caasimadda ah ee Abuja ku martigelinaysay shir heerkiisu sareeyo oo heer Afrika ah kaasoo socday laba maalmood.

Weerarka gaadmada ah ayaa sidoo kale ku soo aadaya dhowr todobaad kadib markii 16 askari oo kale lagu dilay xilli ay ka jawaabayeen isku dhacyo u dhaxeeya beelo iska soo horjeeda oo ku nool gobolka saliida qaniga ku ah ee koonfurta Delta.

Nayjeeriya ayaa waxay la daalaadhaceysaa mowjado weeraro afduub oo madax furasho doon ah, iyadoo sidoo kale la dagaalantay kooxo kala duwan oo jihaad doon ah kuwaas oo inta badan ay sheegtaan Boko Haram.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM