Ciidanka Itoobiya oo qirtay in ay soo rideen diyaaraddii African Express
NAIROBI, Kenya – Ciidamada Itoobiya oo qirtay in ay soo rideen diyaaradda African Express ayaa ku doodey "in ay ku duuleysay jawi hoose ugana shakiyeen Al-Shabaab isku deyaya in ay kusoo qaadaan is-miidaamin".
Bogga Kahawatungu oo kamid ah kuwa ugu afka dheer gudaha Kenya ayaa sidaas ku waramay, Jimcadda maanta ah, isagoo soo xiganaya qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamadda Itoobiya ee Bardaale.
Qoraalkaas ayaa lagu hagaajiyey xafiiska wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM.
Alemu Ayene, taliyaha qeybtaas, ayaa qoraalka oo ku taariikheysan 5-ta May, 2020 ku sharaxay in aysan hayn wax macluumaad ah oo ku saabsan duulimaadka diyaaradda.
Balse, ma cadda sababta dhalisay in ciidamadda Itoobiya aan lagu wargelin duulimaadkaas oo ay fasaxday Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, sidda ku xusan dukumiintiyo nuqul kamid ah uu arkay GO.
Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale wuxuu xusay in diyaaradda ay ka timid jiho ka duwan, halka looga bartay in diyaaradaha ku degaya garoonka degmadan ka tirsan gobolka Baay.
Sidda uu ku cad qoraalka, diyaaradahu waxay kolkii hore ka imaan jireen Jihada Bari-Koonfur, balse, waxay maalintii diyaaradda African Express kasoo gashay dhanka Koonfur Galbeed.
Qoraalkiisa ayuu ku caddeeyay in ciidamadda ku lug-yeeshay dhacdadaan aysan ka tirsaneyn Itoobiyaanka qaybta ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.
4-tii bishaan May ayay ahayd markii shilkaas uu dhacay, waxaana ku naf-waayey lix qof oo saarnaa duulimaadka oo siday shixnad gargaar ah oo laga qaadey Muqdisho kuna sii jeeday Baydhabo, Bardaale iyo Baardheere.
Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo telefoonka kuwada hadlay kadib shilka ayaa isku raacay in baaritaan wadajir ah lagu sameeyo sababta dhalisay burburka diyaaradda.
Qirashada milatariga Itoobiya ayaa soo afjareysa dooda ku saabsan cidda soo diray diyaaradda, hase ahaatee, waxaa nan la saadaalin karin talaabooyinka xiga oo ay qaadayaan dhamaan dhinacyada uu quseeyo kiiska.
Qoraalka "loo diray" madaxa AMISOM
GAROWE ONLINE