Coronavirus oo qofkii ugu horeeyay ku dilay dalka Jabuuti

Image

DJIBOUTI, Jabuuti – Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti oo Khamiista maanta ah war-saxaafadeed soo saartey ayaa ku dhawaaqdey in ay diiwaan-gelisay qofkii ugu horeeyay oo Coronavirus ugu dhintay dalkaas.

Bayaanka oo warbaahinta u hadasha dowladda ay faafisay ayaa waxaa nan lagu bixin fahfaahin buuxda oo ku saabsan bukaanka.

Dhanka kale, warka qoraalka ah ayaa waxaa lagu caddeeyay tiradda kiisaska ay marayeen 140 [boqol iyo afar], oo ay ku jiraan ajaaniib.

Warbixinta maalinlaha ah ee wasaaradda ayaa intaas ku dartay in illaa iyo haatan ay cudurka kasoo kabteen ku dhowaad 30 [soddon] ruux.

In ka badan saddex kun [saddex kun] oo shaqsi ayaa laga baarey, kuwaas oo qeybtooda la filayo in ay maalmaha soo aadan soo baxdo natiijadooda.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo WHO ayaa shaaca ka dhigtay in kiisaska Corona ee Afrika ay u baahan yihiin hubin dheeraad ah.

Xanuunka Covid-19 oo bishii December ee sanadkii hore 2019 kasoo bilowday magaalada Wuhan ee bartamaha wadanka China ayaa ku dhacay 1.5 milyan oo ruux, iyaddoo uu dilay dad kor-u-dhaafaya 90-kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM