Covid-19: Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika oo karan-tiil galay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa wuxuu ku dhawaaqay Jimcadii in uu galay karan-tiil markii xubin ka tirsan shaqaalihiisa laga helay fayruska Corona.

Fariin uu soo dhigay Twitter-ka ayuu shaaca kaga qaadey in howlwadeenada kale ee xafiiskiisa ay dhankooda karantiil galeen.

Hadalka Faki ayaa kusoo aadaya kadib markii xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu ku dhawaaqay in shaqaalo ka tirsan howlgalkooda uu qaadey xanuunka dilaaga ah ee Covid-19.

Mr Faki ayaa wuxuusan fahfaahin buuxda ka bixin shaqaalaha ka tirsan xafiiskiisa ee qaadey cudurka iyo qaabka uu ku yimid.

Bukaankaas ayaa la tilmaamay in uu soo maray muddo dalal badan oo caabuqu saameeyay isla markaana uu ku jiro muddo huuris sideed maalmood ah lana waydiiyo su'aalo dheeraad ah.

Cudurka oo bishii December kasoo bilowday magaalada Wuhan ee bartamaha dalweynaha Shiinaha ayaa ku faafay 176 wadan.

Jaamacadda Johns Hopkins ee fadhigeedu yahay waddanka Mareykanka ayaa waxay diiwaan-gelisay 553,200 kiis, in ka badan 25-kun oo dhimasho ah iyo 127,500 oo kasoo kabasho ah, guud ahaan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM