Dal cusub oo Al-Shabaab ay dhaqdhaqaaq ka wado oo la shaaciyey

Image

KAMPALA, Uganda – Maleeyshiyaadka argagixisada Al-Shabaab ayaa dhaqdhaqaaq ka wada dalka Koongada Dimuqraadiga ah, sidda uu ka dhawaajiyey Wasiirka Gaashaandhiga waddanka Uganda, Adolf Mwesige.

Mwesige oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa shaaca ka qaadey in xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ay "khatar weyn" ku tahay ammaanka qarankiisa.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika, kaas oo ay ku wehliyaan Burundi, Uganda, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

"Dhaqdhaqaaqyadda ay Al-Shabaab ka wado dalalka deriska ah ee Soomaaliya, Kenya iyo kuwa laga soo warinayo DRC waa halis kusoo fool leh Uganda, iyagoo ku beegsanaya doorkeeda howlgalka AMISOM iyo xuduudaha dheer," ayuu ku yiri warbixin-sanandeedkiisa 2020-21.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Adolf Mwesige ayaa carabka ku dhuftay in ay tayeyn doonan qalabka ciidankooda sidda si ay u baajiyaan "dhagarta ay kooxaha argagixisada ah u meleeyaan Uganda".

Hadalka wasiirka ayaa yimid xili khuburo ay ka digeen in Shabaab ay qorsheyneyso in ay isku balaariso Geeska Afrika isla markaana ay weeraro ka fuliso dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika, [AFRICOM], ayaa bishii hore ee Maaj wuxuu ka dhawaajiyey in Al-Shabaab ay ka gudubtay halista ay kaliya ku ahayd Soomaaliya ayna u talaabtey heer gobol.

Warbaahinta Mareykanka ayaa warisay in kooxdu diyaarineyso weerar lamid ah midkii daaraha mataanaha, "iyaddoo adeegsan karta Soomaalida qurba-joogta ah ama taageereyaasheeda Bariga Afrika".

Al-Shabaab ayaa hadda joogitaan badan ku leh Kenya, oo ay ka fulisay weeraro dhimasho badan sababay. Dhawaqa haatan kasoo yeeray Uganda ayaa waxay sare u qaadi kartaa dedaalada lagu cirib-tirayo kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM