Dilalka loo geysanayo Soomaalida Koonfur Afrika oo soo cusboonaadey

Image

CAPE TOWN, South Africa – Wiil Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Maxamed Xasan ayaa lagu waramay in lagu dilay xaafadda Samora, magaaladda Cape-Town ee dalka Koonfur Afrika.

Sidda ay sheegeen xubno kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed, marxuumka oo ahaa 20-sano jir ka shaqeynayey mid kamid ah xarumaha ganacsiga waxaa falkiisa ka dambeeyay kooxo burcad ah.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta dhabta ah ee loo beegsaday Ibraahim Maxamed Xasan. Laamaha amniga ayaanan wali warbixin kasoo saarin falka lagu dilay muwaadinkan Soomaaliyeed.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in ay baxsadeen gacan ku dhiigleyaashii ka dambeeyay dhacdadaas. Boolis tegay meesha ay wax ka dhaceen waxay sheegeen in ay soo qaban-doonan raggaas.

Hase ahaatee, horey uma aysan dhicin in ciidamadda amniga soo qabtaan dadka waxyeeleeya ajaaniibta ay Soomaalida kamid tahay; soo qabasho iskaba daayee, ma jirto cid loo maxkamadeeyay.

Koonfur Afrika ayaa kamid ah wadamadda caalamka ee dhibaatadda ugu badan loogu geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed oo halkaas ku leh ganacsiyo kala duwan, oo qaarkood uu bulaalay.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aysan kala hadlin dhigeeda Koonfur Afrika wax ka qabashadda arrintaas. Safaaradda dalkaas waxay dhowr jeer diiday in ay ka hadasho tacadiyada soo laab-laabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM