Uganda oo hakisay isbedelka ciidamada ka jooga Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda – Milatariga dalka Uganda ayaa si deg-deg ah u hakiyey isbedelka ciidamadda nabad-ilaalinta ee ku sugan Soomaaliya, sababo la xiriira Coronavirus, sidda uu ku dhawaaqay afhayeenka taliska guud.

Richard Karemire oo khadka telefoonka kula hadlay wakaaladda wararka ee Xinhua in go'aankan ay u qaataan si ay u badbaadiyaan caafimaadka ciidamada kale ee ajaaniibta ah ee la howlgala.

Go'aankaan ayaa kusoo aadaya markii askari ka tirsan ciidanka Uganda ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] laga helay safmarka dilaaga ah, kaas oo ku faafay caasimadda Muqdisho.

"Waa mid kamid ah talaabooyinka badqab ee ka dhanka ah Covid-19 oo ay qaadayaan ciidamada xishmada badan ee Uganda kuna sugan Soomaaliya iyo Equatorial Guinea," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Soomaaliya ayaa laga helay 722 kiisas oo ah caabuqaas, si lamid ah, waxaa lasoo wariyey 31 dhimasho ah iyo 44 ka caafimaadey.

Uganda ayaa howlgalka AMISOM ku leh 6,000 askari, waana mid kamid ah wadamada ciidamada ugu badan ku taageeray taliska.

Isbedelka ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa ah mid sanadkiiba mar la sameeyo, waxaana lagu saleeyaa baahida xilligaas jirta, iyaddoo askarta cusub ee la keenayo ay lamid noqonayaa tirada kuwa baxaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM