Fayruska Corona oo dib-u-dhac ku keenay doorashooyinka Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Guddiga doorashooyinka Itoobiya ayaa shaaciyey in aysan qaban karin coddeynta guud ee qorshuhu ahaa in sanadkan ay ka dhacdo dalkaas, sababo ku aadan faafitaanka Covid-19.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa Talaadada maanta ah waxaa lagu sheegay in ay dib u dhigeen doorashooyinka.

Dib-u-dhaca ayaa lagu qeexay mid ku meelgaar ah. Doorashooyinka waxaa horey loo muddeeyay in ay dhici doonan 29-ka bisha August, 2020.

"Faafitaanka fayruska oo labadii todobaad ee lasoo dhaafeeyay saameeyay dalka ayaa caqabad ku noqdey shaqooyinka ku geedaaman doorashooyinka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Xisbiyada siyaasada oo kaalinta ugu weyn leh ayaa lagu caddeeyay warka qoraalka ah in laga talageliyey go'aanka joojinta doorashooyinka.

"Hay'addaha kale ee dowladda ayaa kaalin latalin lahaa. Dib ayaa laga soo sheegi doonaa waqtiga ay dhaceyso doorashadda," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga.

Doorashooyinka guud ee Itoobiya waxaa la rajeynayaa in ay sawir guud ka bixin doonan taageerada uu haysto ra'iisul wasaare Abiy Axmed, kaas oo xafiiska ku yimid isbedel siyaasadeed oo ka hirgalay dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM