Hammiga Itoobiya ee Badda Cas oo Cabsi Cusub Dagaal Ka Abuuray Geeska Afrika

Image

Addis Ababa - Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Itoobiya (ENDF), Field Marshal Birhanu Jula, ayaa soo jeediyay hadal kicin ah oo tilmaamaya in dalkiisu uu u dhaqaaqi karo inuu si xoog ah ku helo marin badeedka Badda Cas, kaddib markii fashil ku yimid heshiiskii qarsoodiga ahaa ee Itoobiya la gashay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Dhamaadkii sannadkii hore, Itoobiya iyo Somaliland ayaa ku heshiiyeen in Addis Ababa ay ka dhisato deked iyo saldhig ciidan oo ku yaalla xeebaha Badda Cas. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaas ayaa burburay markii Soomaaliya si adag uga hortagtay, iyadoo ku dooday in uu ku xadgudbayo madaxbannaanideeda iyo midnimada dhuleed, taas oo keentay in Turkigu soo dhexgalo sidii loo dhexdhexaadin lahaa labada dhinac.

“How can the interests of 200 million be blocked for two million people?” ayuu yiri Field Marshal Birhanu, isagoo su’aal geliyay caddaaladda ay ku jirto in Itoobiya ay sii ahaato dal aan badeed lahayn.

Isagoo ka hadlayay xuska maalinta 118-aad ee Ciidanka Difaaca Itoobiya oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Badda ee Itoobiya, Field Marshal Birhanu ayaa sheegay: “Dadkeennu hadda waa 130 milyan. 25 sano gudahood, waxay noqon doonaan 200 milyan. Sidee ayaa danaha 200 milyan loogu hor istaagi karaa laba milyan? Taasi caddaalad ma aha, mana aha mid waafaqsan sharciga caalamiga ah.”

Taliyaha ciidamada ayaa ku eedeeyay dalal uu ku tilmaamay “cadow taariikhi ah” inay Itoobiya ka xannibeen marin badeed, isagoo ballan qaaday in ciidamadu ay xoojin doonaan awooddooda difaac si loo xaqiijiyo horumar iyo marin baddeed rasmi ah.

Balse dhaliilayaasha ayaa ka digaya in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed – oo mar helay abaalmarinta Nabadda ee Nobel – uu hadda u diyaarinayo Geeska Afrika dagaal kale oo halis ah. “Tani ma aha oo keliya dhibaato Itoobiyaan ah,” ayuu yiri falanqeeye la yiraahdo Abdel Khaliq. “Dagaal ka dhasha arrintan wuxuu khatar ku yahay malaayiin qof, wuxuuna wiiqi karaa xasilloonida waqooyi iyo bariga Afrika.”

Abiy Ahmed ayaa dhankiisa ku celiyay in dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helitaanka badda uu ku saleysan yahay waddo nabadeed. Wuxuu xusay in arrinta Badda Cas ay tahay mid “sharci, taariikhi, juquraafi iyo dhaqaale” ah oo u baahan in si degan loo wajaho.

“Ethiopia ma jiri karto iyadoo go’doonsan,” ayuu yiri Abiy. “Waxaan rabnaa horumar wadajir ah iyo barwaaqo guud oo dhan, ee ma aha muran iyo dagaal.”

Si kastaba, hadallada hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo guuldarrada heshiiskii Somaliland ayaa sii hurinaya walaaca ah in Addis Ababa ay ku wajahantahay istaraatijiyad dagaal oo cusub si ay u hesho marin badeed, taas oo khatar ku ah nabadda iyo amniga guud ee Geeska Afrika.

— GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan oo Gubanaysa, Masar iyo Eritrea oo Xoojinaya Iskaashiga Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar ayaa muujiyay doonistiisa ah in la xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.

  • Afrika

    30-10-2025

  • 05:55PM

Sudan: Malleeshiyadda RSF oo 460 qof oo rayid ah ku dishay isbitaalka magaalada El-Fasher

Kooxda Dagaal-diidka ee El-Fasher (El-Fasher Resistance Committee) ayaa iyaduna xaqiijisay weerarka Isbitaalka Sucuudiga.

  • Afrika

    30-10-2025

  • 06:49AM