Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea oo yeelanaya shir laba geesood ah

Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa Axada maanta ah wuxuu u socdaalay Itoobiya. Booqashadaas ayaa daaran shir laba geesood ah oo uu la yeelanayo hogaamiyaha dalkaas.

Yemane Meskel, wasiirka warfaafinta Eritrea, ayaa tilmaamay in Afwerki iyo Abiy Axmed ay kawada hadli doonan arrimo dhowr ah.

Wadahaladooda ayuu tibaaxay in ay diiradda ku saari doonan xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya, dagaalka ka dhanka ah Covid-19 iyo Ayaxa si lamid ah xaaladihii ugu dambeeyay gobolka Geeska Afrika.

Sidda laga soo xigtay Meskel oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, wafdiga Afwerki ayaa waxaa qayb ka ah; wasiirka arrimaha dibadda, Cusmaan Saalax iyo Lataliyaha madaxweynaha, Yemane Ghebreab.

Afwerki iyo Abiy Axmed ayaa bishii July ee sanadkii 2018-kii soo afjaray colaada in muddo ah ka dhaxeysa, taas oo geeri badan sababtay.

Tan iyo markii ay qalinka ku duugeen heshiiskaas, waxay bilaabeen in ay kawada shaqeeyaan qorsheyaal dhowr ah oo uu ku jiro barnaamijka is-dhexgalka Geeska Afrika oo ku saabsan iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha.

Soomaaliya ayaa qayb ka ah mashruucaas. Hogaamiyeyaasha saddexda wadan waxay yeesheen kulamo wadajir ah iyo gooni-gooni, wallow la aaminsan yahay in ay caqabad ka haysato in ay dhaqaajiyaan hiigsigaas.

Maqnaanshiyaha qaar kamid ah dalalka mandiqada ayaa lasoo wariyey in ay kamid tahay caqadaha ku geedaaman qorshahaas.

Shirarkii ugu dambeeyay oo ay yeesheen ayay kusoo hadal-qaadeen in ay sameystaan urur gaar ah, hase ahaatee, waxaa kasoo dhex-galay safmarka Coronavirus, kaas oo saameeyay nolosha bini'aadamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM