Ibraahim Traore: "Iska Hilmaama Dimuqraadiyadda, Way Na Laynaysaa"

Image

BURKINA FASO - Hogaamiyaha milatariga dalka Burkina Faso, Ibraahim Traore, oo xukunka kula wareegay afgembi bishii September 2022, ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegay in loo baahan yahay in gebi ahaanba la iska hilmaamo nidaamka dimuqraadiyadda.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta, Traore ayaa ku dooday in dimuqraadiyaddu aysan ahayn mid u shaqaysa dadkiisa, isagoo adeegsaday weedho layaab leh oo ay ka mid tahay in "dimuqraadiyaddu ay disho."

In kasta oo markii hore uu ballan-qaaday in doorashooyin dalka laga qaban doono sanadkan 2024, haddana Traore ayaa hadalkiisan dambe ku muujiyay inuu doonayo inuu xukunka sii hayo muddo aan xadidnayn.

Wuxuu tusaale u soo qaatay dalka Liibiya, halkaas oo uu sheegay in quwado shisheeye ay isku dayeen inay "ku qasbaan dimuqraadiyad," taasina ay keentay burbur iyo dhimasho. "Waa inaan runta isu sheegnaa: dimuqraadiyaddu annaga nooma dhisna," ayuu raaciyay.

Dowladda milatariga ee Burkina Faso ayaa bishii Jannaayo ee sanadkan kala dirtay dhammaan xisbiyadii siyaasadda ee dalka ka jiray, kuwaas oo tiradoodu ka badnayn 100 xisbi ka hor afgembiga.

Tallaabadan ayaa la mid ah mid ay horay u qaadeen waddamada deriska la ah ee Maali iyo Nayjer, kuwaas oo iyagana ay ka taliyaan hoggaamiyeyaal milatari oo xukunka xoog ku qabsaday.

Hadalka Traore ayaa ku soo beegmaya xilli ururka xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch uu soo saaray warbixin naxdin leh, taas oo lagu sheegay in ciidanka milatariga Burkina Faso iyo xulafadoodu ay dileen dad rayid ah oo ka badan laba laab inta ay dileen kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Daacish tan iyo sanadkii 2023.

In kasta oo dalku uu la tacaalayay kacdoonno hubeysan muddo toban sano ah, haddana eedeymaha xasuuq ee loo jeedinayo milatariga ayaa sare u qaaday walaaca caalamiga ah ee laga qabo mustaqbalka dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM