In ka badan 50 qof kusii jeeda Aas oo ku dhintay doon qalibantay

Image
Dhacdooyinka doonyaha gadoomaya ayaan ahayn wax ku cusub dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 58 qof ayaa ku dhintay waddanka Afrikada Dhexe kadib markii doonidii ay saarnaayeen oo si xad dhaaf ah loo soo buux dhaafiyay ay degtay, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Inta badan 300 oo qof oo doonida la socday ayaa ku sii jeeday Aaska maalintii jimcaha markii doonta uu qalibantay. Waxay ka dhacday wabiga Mpoko ee u dhow caasimadda, Bangui.

Muuqaal laga soo duubay shilkan oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad ku dhacaya ama ku boodaya biyaha oo isku dayaya in ay gaaraan jiinka webiga.

Masiibooyinka doontu maaha wax ku cusub Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. "Waxa hadda dhacay waxa ay ahaayeen wax argagax leh," ayuu goobjooge u sheegay warbaahinta afka Faransiiska ku hadasha ee RFI.

"Waan garanayaa qoys toddobo qof oo qaraabo ah ku waayey masiibadan," ayuu raaciyay. "Waxaan u rajeynayaa in ay helaan badal wanaagsan iyo in ay la kulmaan naxariis".

Isagoo la hadlayay idaacada maxaliga ah ee Radio Guira Sabtidii, madaxa ilaalinta madaniga ah Thomas Djimasse, ayaa caddeeyay in samatabbixiyeyaashu ay biyaha ka soo saareen "58 mayd oo naf la'aan ah".

Balse, wuxuu raaciyay "ma garanayno tirada guud ee dadka ku jira biyaha hoostooda". Tobaneeyo qof oo badbaaday ayaa lagu soo waramayaa in lagu daweynayo isbitaallada magaalada Bangui wallow xaalkoodu fududyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ku biiraya dacwad ciqaabeed ka dhan ah Yahuuda

Koonfur Afrika ayaa kiiskan horey uga furtey Maxkamadda ugu sareysa Qaramada Midoobay.

  • Afrika

    02-05-2024

  • 05:39AM

Kenya: In ka badan 40 qof oo ku naf-waayay daad ka dhashay roob xooggan

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in 109 qof la jiifiyay isbitaalka halka 49 kalena la la’yahay.

  • Afrika

    30-04-2024

  • 04:45AM