Ismaaciil Geelle oo loogu baaqay "in uusan Jabuuti u horseedin burbur"

Image

DJIBOUTI CITY, Djibouti – Jabuuti waxaa ka bilowday banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle laguna dalbanayo in lasii daayo sarkaal sarre Fu'aad Yuusuf Cali.

Fu'aad oo ka tirsanaa ciidamadda cirka Jabuuti isla markaana ahaa duuliye diyaaradeed ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ku jiray xabsiga dhexe ee Gabood, sidda ay xaqiijiyeen xubno kamid ah qoyskiisa iyo dowladda.

Xaaskiisa Samiira Jaamac oo khadka isgaarsiinta ugu warantay Garowe Online ayaa sheegtay in seygeeda jeelka loogu dhaadhiciyey in uu cabasho ka muujiyey "cadaalado darro lagula kacay iyo xuquuqdiisa oo lagu tuntay".

Tabashadda uu muujiyey ee keentay in la xiro waxaa kamid ah mushaharkiisa iyo duuliyenimadda oo uu ka joojiyey taliyihiisa, sidda laga soo xigtay Samiira, oo aan fahfaahin sababta keentay in talaabooyinkaas lagu sameeyo.

Kahor inta aan lagu xirin xabsiga Gabood, Fu'aad ayaa u baxsaday Addis Ababa. Hase ahaatee, sirdoonka Itoobiya ayaa u soo dhiibay dhigooda.

Cabdiraxmaan Maxamed Geelle, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee RAAD ahna duqii hore ee magaaladda Jabuuti, ayaa mudaaharaadyadda ku sifeeyay "isu soo baxyaddii ay xafiiska ku baneeyeen madax kalitalis ahaa".

"Taliska macan-gaga ah"

Qaabkii lagu riday hogaamiyeyaashii Yemen, Soomaaliya, Suudaan, Itoobiya iyodalal kale ayuu tusaale ahaan u soo qaatay gudoomiyaha.

Xilli dowladda uu hogaamiyo Ismaaciil Cumar Geelle uu ku sifeeyay "taliska macan-cagaga ah," Cabdiraxmaan ayaa meesha ka saarey in ay gedaal ka riixayaan banaanbaxyadda "oo ah kuwa shacabku garteen".

Wadamadaas uu tusaalaha u soo qaatay Cabdiraxmaan markii isbedel dhanka hogaanka ah uu ka dhacay waxay dhexda ka galeen qalalaaso. Jabuuti ayaa tan iyo markii xorriyadda ay qaadatay ku naalooneysay nabad-gelyo.

Siyaasiga mucaaradka ah oo qiray ahmiyadda ay leedahay in si nabdoon ay isbedel ku hor-seedaan ayaa ku doodey in laga soo xiray albaabkaas oo uu ku qeexay doorashooyinka "oo ah kuwa uu ku shubto taliska".

"Dalkani doorasho kama dhacdo, marka waxaanu ka cabsi qabnaa in Ismaaciil Cumar Geelle sidda wadamaddaa kale uu naga burburiyo dalkayaga," ayuu u sheegay telefishinka maxaliga ah ee Horn Cable Tv, isagoo dadweynaha ku booriyey in ay maankooda ka saaraan riditaanka madaxweynaha balse ku shaqeeyaan "midnimo Qaran".

Wuxuu xusay: "Ismaaciil Cumar-na [madaxweynaha Jabuuti] waa nin da' ah, waa nin waqtigiisii tegay, waa nin 20-sano in ka badan soo talinayey, isaguna waxaan leenahay ha iska nasto, ha fariisto, hadii uu wax maqlayo oo uu fahmayo, hadii uu wax malqeyn oo uusan fahmeynna siddii madaxdii hore buu u burburi doonaa taariikhdiidana dhinaca quranka ayuu ka geli doonaa".

Dowladda Jabuuti ayaanan wali si rasmi ah u fahfaahin kiiska Fu'aad. Si lamid ah, lama jawaabin eedeymaha culus ee ka yimid siyaasiga mucaaradka. Balse, waxay ka digtay "banaanbaxyada sharci daradda ah".

Tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen Faransiiska, Jabuuti waxaa soo maray laba madaxweyne oo uu ku jiro Ismaaciil Cumar Geelle. Inkasta oo horumar uu jiro, maamulka jira waxaa lagu eedeeyay caburin, xarig iyo cadaalo daro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo Loo Magacaabay Taliye Cusub

Qaaradda Afrika waa mid leh dhaqaale si degdeg ah u kobcaya iyo bulsho da’yar ah oo rajo u ah dimoqraadiyadda.

  • Afrika

    16-08-2025

  • 09:02AM