Itoobiya oo "daabushay gantaalo" xilli muranka Nile ee Masar uu kasii daray
ADDIS ABABA, Ethiopia – Xiisadda u dhaxeysa Itoobiya Masar kuna saabsan biyo-xireenka Nile ayaa Isniintii iyo Talaadadii sarre u kacday xilli Addis Ababa ay shaacisay in aysan joojin doonin dhismaha isla markaana madaxweyne Cabdel Fataax Al Sisi u amray ciidamada dalkiisa in ay heegan buuxa galaan.
Itoobiya oo cadaadis xoogan wajaheysa ayaa lagu waramay in ay lidka diyaaradaha ku daabushay aaga biyo-xireenka laga dhisayo.
Wadaxaajoodyadda Itoobiya iyo Masar ee ku aadan biyo-xireenka ayaa burburay bishii Maaj kadib markii Addis Ababa ay diidey in ay saxiixdo heshiis uu soo diyaariyey Mareykanka, waxayna sheegtay in uu wiiqayo qorshaheeda.
Suudaan iyo Masar ayaa kasoo horjeeda qorshaha Itoobiya xilli Khaahira ay ku andacooneyso in biyo-xireenka uu hoos u dhigayo saamiga ay ku leedahay Nile-ka taasna ay u horseedeyso abaaro iyo macquul, sidda ay tiri.
Xilli Itoobiya qorsheyneyso in ay biyo xireenka dhameystiro bisha July, wasiirka arrimaha dibadda waddankaas, Gedu Andargachew, ayaa ku adkeystay in uusan jirin sabab ay u joojiyaan dhameystirka dhismaha biyo-xireenka.
Isagoo la hadlay Ethiopian News Agency, ku simaha afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Amsalu Tizazu, ayaa meesha ka saarey in ay ku wargelin doonan Suudaan iyo Masar goorta uu buuxsamo biyo-xireenka.
Ethiopia ayaa qorsheyneysa in ay biyo-xireenka ku keydiso 4.9 cubic metres oo biyo ah inta u dhaxeysa July illaa iyo sanadka dambe, waxay sidoo kale dooneysaa in ay tijaabada bilowdo Maaj 2021. Intaas waxaa wehlisa, waxay sheegtay in mashruucaan uu qayb ka yahay "horumarka mustaqbalka fog".
Hindisaha cusub ee Itoobiyaanka ka yimid wuxuu kasoo horjeedaa heshiisyo ay horey u kala saxiixdeen Suudaan, Masar iyo Itoobiya gaar ahaan Baaqa Mabaadi'da Ku Saabsan Biyaha Nile oo la saxiixay sanadka 2015-kii.
Sanadihii hore, Masar ayaa la tilmaamayay in ay isu diyaarisay talaabo milatari si ay u joojiso dhismaha biyo-xireenka. Sanadkii 2013-kii, mas'uuliyiin Masaari ayaa la duubay iyagoo kawada xaajoonaya qaababka ay u joojin karaan dhismaha biyo-xreenka oo ay kamid tahay weeraro duqeyn oo dhanka cirka ah.
Kadib jab soo foodsaarey xulafooda Libya iyo dhaqdhaqaaqyadda mitidiinta kawadaan Sanca, madaweyne Al Sisi ayaa Talaadadii wasiirka difaaca iyo taliyeyaal ciidan kala shiray "u diyaar-garowga difaacida qaranka".
Warbaahinta New Arab ayaa illo wareedyo ka tirsan xisbiga Tigray-ga Itoobiya kasoo xigtay in horaantii bishaan ay dowladoodu bilowday lidka diyaaradaha oo ay geyso aaga biyo xireenka laga dhisayo "si ay isaga caabiso ama isaga difaacdo suurtagalnimadda duqeymo lala bartilmaameedsado".
Daad-gureynta gantaalada oo la filayo in lasoo gabagabeeyo bisha June ayaa lagu waramayaa in Itoobiya ay ka heshay dalal uu Ruushka kamid yahay.
Xilli Khaahira ay biyo-xireenka u aqoonsatay mid halis ku ah amnigeeda, falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in isku dhaca milatari oo dhexmara Masar iyo Itoobiya uusan waqti dhow dhici karin.
Laba todobaad kahor, Masar oo warqad u dirtay xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ka cabatay talaabooyinka Itoobiya, waxayna Beesha Caalamka ka codsatay in ay soo farageliyaan qadiyaddan isla markaana ay hogaamiyaan wadahadaladda lagu qaboojinayo kahor inta aysan kasii darin xaaladda.
GAROWE ONLINE