Itoobiya oo dad ka yimid Soomaaliya ka heshay cudurka Covid-19

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa maanta oo Arbaco ah ah waxay ku dhawaaqdey in lix qof oo ka yimid Soomaaliya ay ka heshay safmareenka dilaaga ah ee Coronavirus.

Lixdaan ruux ayaa kamid ah 17 qof oo wasaaraddu maanta shaacisay in ay kusoo kordheen xaaladaha xanuunka guud waddankaas.

Tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee Itoobiya ayaa haatan gaartay 162 marka lagu daro 17-ka la xaqiijiyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda, 17-ka qof waxaa ku jira todoba socdaal ku tagtay Jamhuuriyadda Jabuuti.

"Dhamaantooda waxay ku karantiilan yihiin xarumo ku yaala gobolada Afar iyo Soomaalida," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Intaas waxaa wehlisa in dadka laga helay ay ku jiraan afar ruux oo aan safar gelin balse lagu qaad-siiyey ama lagu daartay gudaha.

Dhanka kale, wasaaradda ayaa sheegtay in laba bukaan ay ka caafimaadeen caabuqa; wadarta dadka ka bogsaday waa 93.

Itoobiya ayaa kamid ahayd dalalkii ugu horeeyay ee dhaca Geeska Afrika ee soo wariyey kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirus, balse waxay kamid tahay kuwa ugu yar, waxaana ugu wacan ka hortagga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM