Itoobiya oo diiwaan-gelisay geeridii ugu horeysay ee fayruska Corona

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Wasaaradda Caafimaadka waddanka Itoobiya ayaa ku dhawaaqdey geeridii ugu horeysay oo ka dhalatay Coronavirus.

Lia Tadesse, wasiirka wasaaradaas, ayaa sheegtay in qofka dhintay uu yahay haweenay 60-sano jir, balse waxay ka gaabsatay magaceeda

Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ayay daboolka kaga qaadey in haweenayda ay nafta kaga baxday Isbitaalka lagu magacaabo Eka Kotebe.

"Waxay ii tahay tiiraanyo in aan ku dhawaaqo geeridii bukaankii ugu horeeyay ee u dhintay Covid-19," ayay hadalkeeda raacisay.

Qoyskiisa, ehelkiisa iyo asxaabtiisa ayay sheegtay in ay la wadaageyso murugada isla markaana ay kaga tacsiyeyneyso dhimashadiisa.

Dhanka kale, dalka Barbados ayaa ku dhawaaqay in qofkii ugu horeeyay uu waddankaas ugu geeriyooday caabuqaas faafa.

Ruuxa dhintay ayaa lagu sheegay nin 81-sano jir ah, kaas oo dhowaan kasoo laabtay socdaal uu ku tegay boqortooyadda Ingiriiska.

Sikastaba, guud ahaan caalamka, cudurkaas ayaa galaaftay in ka badan 60-kun oo qof, iyaddoo dadka qaadey ay kor-u-dhaafayso hal milyan oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM