Itoobiya oo ka jawaabtay eedeynta diyaaradda ku dhacday Bardaale

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Milatariga Itoobiya ayaa ka jawaabay wararka ku saabsan in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay degaanada Koonfur Galbeed kusoo rideen diyaarad nooca xamuulka ah.

Diyaaradda oo sidday gargaar caafimaad kana duushay Muqdisho ayaa galabnimadii Isniinta ku dhacday nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale oo ka tirsan gobolka Baay.

Illaa iyo haatan lama ogga sababta keentay in ay soo dhacdo diyaaradda. Hase ahaatee, warbaahinta ayaa farta ku fiiqday ciidanka Itoobiya.

Ciidamadan oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saldhig ciidan ku leh nawaaxiga madaarka diyaaradaha.

Muuqaal lagu duubay Satellite-ka ayaa muujiyey in diyaarada ay walax ku dhacday iyaddoo shan daqiiqo u jirtay gegida cagodhigashada.

Gaashaanle Sarre, Mohamed Tessema, oo ah madaxa xiriirka warbaahinta ee ciidamada Itoobiya, ayaa ku adkeystay "ma maqlin akhbaar ku saabsan in diyaarad u rarneyd NGO oo ay rideen askarteena".

"Halkaan waa xarunta dhexe, waa in aad la xiriirtaan sarkaalka ku sugan qeybta," ayuu hadalkiisa ku daray markii wax laga waydiiyey.

Lix ruux oo laba kamid ah ay yihiin Soomaali inta kale ay ajaaniib yihiin ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen shilkaas oo baaris lagu bilaabay.

Koonfur Galbeed ayaa balanqaadey in ay soo bandhigi doonto macluumaadka kasoo baxa baaritaanka. Dhanka kale, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM