Itoobiya oo shaacisay in ay duqeyn ku dishay xubno Al-Shabaab ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ciidamadda Difaaca Itoobiya ayaa sheegay in ay dileen xubno ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab kadib duqeymo ay ka fuliyeen Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in ay xubnaha ay beegsadeen ay qarax u maleegayeen ciidamadda Itoobiya ee ku sugan maamulka Koonfur Galbeed.

"Wadar ahaan 17 ka tirsanaa dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa ku dilnay duqeymo aan ka fulinay laba goobood oo lagu kala magacaabo Kortole iyo Hirkut," ayaa lagu yiri bayaanka.

Habtom Zenebe, taliye ku xigeenka ciidamada cirka Itoobiya qeybta Bari, ayaa tilmaamay in maleeyshiyaadka ay khaarijiyeen ay damacsanaayeen in ay weerar gaadmo ay ku qaadeen kolanyadooda.

Ciidamadooda oo uu tilmaamay in ay kasoo baxeen degaanka Doolo Caado ay kusii jeedeen magaalada Baydhabo, caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed.

"Mitidiinta waxay qarax u dhigeen ciidamadeena, balse waxaan dilnay kahor inta aysan ku guuleysan in ay qarxiyaan," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalka oo saxaafada maxaliga ay sii deysay.

Sidda laga soo xigtay Korneyl Zenebe, ciidamadda Itoobiyaanka ah ayaa ku guuleystay in ay saaraan qaraxyadda.

Dhanka kale, marka laga soo tago sheegashada xukuumadda Addis Ababa, ma jiro war kasoo baxay dhanka Shabaab.

Sikastaba, Itoobiya ayaa ciidamo ku leh howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, wallow qeybo kamid ah waddanka ay ka joogaan askar kale oo aan ka tirsaneyn taliska, balse fuliya danaheeda siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM