Itoobiya oo shaacisay in ay duqeyn ku dishay xubno Al-Shabaab ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ciidamadda Difaaca Itoobiya ayaa sheegay in ay dileen xubno ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab kadib duqeymo ay ka fuliyeen Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in ay xubnaha ay beegsadeen ay qarax u maleegayeen ciidamadda Itoobiya ee ku sugan maamulka Koonfur Galbeed.

"Wadar ahaan 17 ka tirsanaa dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa ku dilnay duqeymo aan ka fulinay laba goobood oo lagu kala magacaabo Kortole iyo Hirkut," ayaa lagu yiri bayaanka.

Habtom Zenebe, taliye ku xigeenka ciidamada cirka Itoobiya qeybta Bari, ayaa tilmaamay in maleeyshiyaadka ay khaarijiyeen ay damacsanaayeen in ay weerar gaadmo ay ku qaadeen kolanyadooda.

Ciidamadooda oo uu tilmaamay in ay kasoo baxeen degaanka Doolo Caado ay kusii jeedeen magaalada Baydhabo, caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed.

"Mitidiinta waxay qarax u dhigeen ciidamadeena, balse waxaan dilnay kahor inta aysan ku guuleysan in ay qarxiyaan," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalka oo saxaafada maxaliga ay sii deysay.

Sidda laga soo xigtay Korneyl Zenebe, ciidamadda Itoobiyaanka ah ayaa ku guuleystay in ay saaraan qaraxyadda.

Dhanka kale, marka laga soo tago sheegashada xukuumadda Addis Ababa, ma jiro war kasoo baxay dhanka Shabaab.

Sikastaba, Itoobiya ayaa ciidamo ku leh howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, wallow qeybo kamid ah waddanka ay ka joogaan askar kale oo aan ka tirsaneyn taliska, balse fuliya danaheeda siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM