Itoobiya oo walaac ka muujisay dhoolatuska ciidan-badeed ee Masar iyo Sucuudiga

Image

Riyaad — Dhoolatus ciidan-badeed oo ballaaran, oo ay hoggaaminayaan Masar iyo Sucuudi Carabiya, kana socda Badda Cas, ayaa sare u qaaday xiisadda istaraatiijiyadeed ee gobolka, iyadoo Itoobiya ay muujisay walaac sii kordhaya oo la xiriira isbeddellada isbahaysiyada amniga badda.

Dhoolatuska oo loo bixiyey Red Wave 8 ayaa ka billowday gudaha Sucuudi Carabiya, waxaana ka qeyb qaadanaya ciidammada badda ee Masar, Sucuudi Carabiya, Urdun, Suudaan, Yemen iyo Jabuuti, sida ay Talaadadii sheegeen saraakiisha militariga Masar. Dhoolatuskan oo soconaya dhowr maalmood ayaa diiradda saaraya qorsheynta hawlgallada wadajirka ah, la tacaalidda khataraha badda ee aan caadiga ahayn, iyo mideynta habraacyada hawlgal ee dalalka ka qeyb galaya.

Masar ayaa sheegtay in ujeeddada dhoolatusku tahay xoojinta wada-shaqeynta militariga iyo is-waafajinta awoodaha ciidan-badeed ee dalalka ku teedsan Badda Cas, oo ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah. Dhoolatuskan ayaa qeyb ka ah barnaamijyo joogto ah oo Masar la fuliso dalal saaxiib la ah.

Dalalka ka qeyb qaadanaya ayaa xubno ka ah isbahaysiga amniga Badda Cas, oo ay aasaaseen Masar iyo Sucuudi Carabiya, kadibna ay ku biireen Eritrea, Suudaan, Soomaaliya, Jabuuti, Urdun iyo Yemen. Badda Cas ayaa isku xirta Kanaalka Suweys iyo Badweynta Hindiya, waxayna martigelisaa qeyb muhiim ah oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee u dhexeeya Aasiya, Bariga Dhexe iyo Yurub.

Gobolkan ayaa noqday goob ay ku loolamaan quwadaha caalamka, iyadoo Jabuuti ay hoy u tahay saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin Maraykanka, Faransiiska, Shiinaha iyo Jabaan. Sidoo kale, Hindiya, Ruushka, dalalka Khaliijka, Turkiga iyo Iiraan ayaa kordhiyey saameyntooda iyagoo adeegsanaya iskaashi amni oo ay la yeesheen dowladaha gobolka. Khubaro ayaa ka digaya in carqalad ku timaadda marinka Badda Cas ay si toos ah u saameyn karto ganacsiga iyo maraakiibta caalamiga ah.

Itoobiya, oo aan lahayn xeeb baddeed, ayaa si dhow ula socota horumarradan, iyadoo walaac ka muujisay in qaab-dhismeedka cusub ee amniga badda uu xaddidi karo marin u helidda waddooyinka badda.

Safiir Dina Mufti, oo xubin ka ah guddiga arrimaha dibadda iyo amniga ee baarlamaanka Itoobiya, ayaa warbaahinta u sheegtay in Masar ay dadaal ugu jirto in ay Addis Ababa ku go’doomiso dhinacyada diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, isla markaana ay tahay awoodda ugu saameynta badan isbahaysiga marka laga reebo Sucuudi Carabiya.

Hadalladaasi waxay muujinayaan cabsi ay Itoobiya ka qabto in dhoolatuskan iyo isbahaysiga la xiriira uu saameyn ku yeesho danaha istaraatiijiyadeed ee dalka, gaar ahaan helitaanka marin-badeed. Itoobiya ayaa sheegtay inay adeegsan doonto waddooyin diblomaasiyadeed si ay uga hortagto tallaabo kasta oo ay u aragto mid lagu ciriirinayo doorkeeda gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo u digay Cadowga Itoobiya

Abiy, oo ku guuleystay Nobel Peace Prize 2019, ayaa lagu eedeeyay inuu carqaladeeyay xasiloonida Geeska Afrika, eedeymo uu diidan yahay.

  • Afrika

    09-12-2025

  • 07:45AM

Masar: “Tallaabo baan qaadi Doonnaa Haddii Abiy Axmed Khatar Geliyo Biyaha Niil”

Isagoo wareysi siinayay Al Jazeera, Abdel-Aty wuxuu ku tilmaamay baahida biyaha ee Masar “arrin jiritaan” ah.

  • Afrika

    08-12-2025

  • 03:51PM