Itoobiya oo xaalad deg-deg ah gashay xili ay korortay tirada kiisaska

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Itoobiya ayaa ku dhawaaqdey xaalad deg-deg ah si ay uga hortagto faafitaanka Covid-19, sida ay warisay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas dhaca Geeska qaarada Afrika.

Shaacinta ayaa imaaneysa xili kiisaska Coronavirus ay gaareen 55, iyaddoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga baaqay 225, sidda ay sheegtay Lia Tadesse, oo ah Wasiirka Caafimaadka waddankaas.

Dhamaan bukaanada waa Itoobiyaan. Badankooda waxay ka yimaadeen dibadda, wallow ay jiraan tirro gudaha ku qaadey.

Ma jiro bukaan ay xaaladiisu aad u liidato. Illaa iyo haatan, waxaa u geeriyooday hal qof oo da' ah, sidda ku cad warbixinta.

Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa horey u amray in la xiro goobaha waxbarashadda iyo in la xiro xuduudka.

Doorashooyinka baarlamaanka ee qorshuhu ahaa in ay qabsoomaan bisha August ayaa dib loo dhigay muddo aan la cayimin.

Tan iyo markii uu xanuunkaan kasoo bilowday magaalada Wuhan ee bartamaha Shiinaha, cudurka ayaa gaarey dhamaan dalalka ka tirsan Qaramada Midoobay, iyaddoo uu galaaftay in ka badan 71-kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM