Itoobiya: Soomaali kasoo muuqdey liiska 8 ruux oo laga helay Covid-19

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Wasaaradda Caafimaadka dalka Itoobiya ayaa Talaadada maanta ah waxay ku dhawaaqdey sideed kiis cusub oo fayruska Corona ah. Tani waxay tiradda guud ka dhigeysaa 82.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, bukaanada cusub waxaa kamid ah qof Soomaali ah, wallow aan lasoo bandhigin magaciisa.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in ruuxaan uu kasoo jeedo degaanada maamul goboleedka Somaliland.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in shaqsigaas oo 37-sano jir ah ka yimid boqortooyadda Ingiriiska oo kamid ah wadamadda uu sidda xoogan uu u saameeyay caabuqaas dilaaga h.

Inta illaa iyo haatan, la og-yahay wuxuu noqonayaa ruuxii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Itoobiya ay ku dhawaaqdo in uu soo ritay xanuunkaas safmareenka ah, aadna halis u ah.

Britain ayaa si lamid ah wuxuu safka hore kaga jiraa dalalka reer Galbeedka ee Soomaalida ugu badan ay ugu dhimatay Covid-19. Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka, Nuur Cadde ayaa kamid ah.

Tan iyo markii uu bishii December sanadkii hore 2019 uu ka dilaacay magaalada Wuhan ee bartamaha Shiinaha, Corona ayaa galaaftay in ka badan 100-kun oo ruux, dad ka badan 1.8 milyan wuu haleelay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM