"Jabka" ay Kenya la kulmeyso hadii ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa bilowday wadahadalo ay kula baxeyso ciidamadeeda qeybta howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Qorshaha wuxuu yahay in ay hayaamaan sanadka dambe 2021—ka.

Jariirada faaqidaada tabisa ee The Conversation ayaa warbixin ay ka qortay qadiyadan kusoo bandhigtay guulaha iyo jabka ay xukuumadda Nairobi kala kulmeyso hadii ay ciidamadeeda ku celiso hoygooda.

Inkastoo ay jiraa jiraan guulo kale oo la gaarey oo ay kamid tahay weeraro la sheegay in la qorsheeyay oo laga hortegay, haddana waxaa muuqda gaabis badan marka loo eego hadafka koowaad.

Tan iyo markii ay 2011-kii ay ciidamada Kenya galeen gudaha Soomaaliya 2011-kii, Al-Shabaab ayaa lumisay magaalooyin waaweyn, hadafkooda ugu weyna wuxuu ahaa in ay baajiyaan weerarada xoogaga hubeysan.

Sanadkii 2012-kii, waxay xoreeyeen magaaladda Kismaayo oo haatan ah xarunta ku meelgaarka ah ee maamul goboleedka Jubaland.

"Faragelintaas" ayaa nan gebi ahaanba wada guuleysan, waxaana muuqaneysa in ay sii kordheyso halista argagixisada gacansaarka la leh Al-Qaacida ee gudaha Kenya, shacabka qaarkii oo "u riyaaqanaa" fekerkooda.

Sidda ku xusan warbixinta wargeyska, waxaa sidoo kale lagu guuldareystay in gudaha Kenya laga sifeeyo fekerka argagixisadda ama xagjirnimada.

Qoraaga faalada ayaa rumeysan in Kenya ciidamadeeda kala baxda Soomaaliya ay "badbaado u tahay nolosha dadkeeda iyo kheyraadkeeda".

Kenya ayaa kala baxeysa ciidamadeeda gudaha Soomaaliya, iyaddoo ay sii kordheyso "naceybka" kaga imaanaya gudaha waddanka iyo Itoobiya oo xilfaatan uu kala dhaxeeyo oo saameyn buuran yeelaneysa.

Sidoo kale, waxay kale mac-salaameyneysaa iyaddoo uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeyn Muqdisho iyo Addis Ababa oo aad isugu soo dhowaadey isla markaana aanan wax xulafo ah ku lahayn Soomaaliya.

Tani ayaa dhalin karta in Itoobiya ay kusoo xoogeysato Soomaaliya, taas oo Kenya ay ku wayn karto saameynteeda diblumaasiyadeed iyo tan ciidan ee gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan bariga qaaradda.

Si lamid ah, waxay kusoo hagaageysaa, sidda ku cad warbixinta, iyaddoo dowladda Farmaajo ay xusul-duub ugu jirto in ay xafiiska sii joogto, ciidankana u adeegsato mucaaradka iyo warbaahinta xorta ah.

"Jahwareerka ay maanta wajahayaan go'aan-gaarayaasha Kenya, iyo fursadaha u furan waxay dhalin karaan ciwaaqib-xumo daba-dheeraata," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta lagu daabacay The Conversation.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM