Jabuuti oo diiwaan-gelisay kiisas cusub oo fayruska Corona

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti — Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay diiwaan-gelisay tobban kiis cusub oo Coronavirus ah.

Tani ayaa macnaheedu yahay in wadarta guud ee kiisaska ay haatan gaartay 150 [boqol iyo kun], oo u badan muwaadiniin Jabuutiyaan ah.

Wasaaradda Caafimaadka dalkaas ayaa waxay soo warisay in 36 qof ay kasoo kabteen cudurka dilaaga ah kadib markii ay ku dadaaleen.

Hal qof oo aan wali fahfaahin buuxda laga bixin shaqsiyadiisa ayaa u geeriyoodey xanuunka Covid—19, sidda ku xusan warbixinta wasaarada.

Tan iyo markii uu ka dilaacay magaalada bartamaha dalweynaha China ku taala ee Wuhan, caabuqa ayaa waxa uu ku dhacay 1.5 milyan.

Intaas waxaa wehlisa, wuxuu dilay in ka badan 100-kun oo ruux, sidda ay muujineyso warbixintii u dambeysay ee hay'adda caafimaadka aduunka.

Xanuunkaan oo ku dhaca neef-mareenka ayaa qaabka kaliya ee looga badbaadi waxaa lagu tilmaamay nadaafada oo si weyn loogu dedaalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM