Jabuuti oo diiwaan-gelisay qofkii labaad oo u dhintay Coronavirus

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Wasaaradda Caafimaadka dalka Jabuuti ayaa xaqiijisay in qofkii labaad uu waddankaas ugu geeriyooday fayruska Corona.

Warbixinta wasaaradda ayaa nan lagu soo bandhigin tafaashiisa shaqsigaas sidda; magaciisa, hadii uu muwaadin yahay, iyo qaabka uu u qaadey.

Todobaadkii hore ayay soo warisay wasaaradda in qofkii koowaad uu dalkaas ugu dhintay xanuunkan safmareenka ah isla markaana dilaaga ah.

Sidda ku cad warbixinta, tirada shaqsiyaadka laga helay caabuqa ayaa ah 37 ruux, maalinta oo qura, wadarta guud waxay ka dhigeysaa 187 qof.

Intaas waxaa wehlisa 36 qof ayaa ka bogsaday cudurka, kuwaas oo haatan dibadda jooga isla markaana ka baxay xarunta karan-tiilka.

Jabuuti ayaa kamid ah wadamada Geeska qaaradda Afrika ee soo rogay talaabooyinka adag sidda bandowga si ay uga hortagaan faafitaan horleh.

Tan iyo markii uu bishii December sanadkii 2011-kii uu kasoo bilowday bartamaha Shiinaha, Covid-19 wuxuu ku dhacay 1.5 milyan; 100-kun wuu dilay.

Qoraalka wasaarada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Digniin Ka Soo Saartay Gelitaanka Israa’iil ee Badda Cas iyo Aqoonsiga Somaliland

Ilaa hadda, Israa’iil iyo Maamulka Somaliland midna si rasmi ah ugama hadlin digniinta ay Masar soo saartay.

  • Afrika

    09-02-2026

  • 09:12PM

DEG-DEG: Itoobiya oo Amartay Ciidamada Eritrea inay si degdeg ah uga baxaan dhulkeeda

Ilaa hadda, dowladda Eritrea kama aysan jawaabin eedeymahan cusub ee kaga yimid dhanka Itoobiya.

  • Afrika

    08-02-2026

  • 06:53PM