Kenya Airways oo la wareegtay suuqa xamuulka Soomaaliya

Image
Booskan waxaa horey ugu jirtey Ethiopia Airlines taas oo sababsatay xiriirka xumaadey ee Muqdisho iyo Addis Ababa.

NAIROBI, Kenya - Diyaaradda Kenya Airways ayaa si toos ah u bilowday in ay si toos ah isaga kala gooshto magaalada Sharjah ee dalka Imaaraatka Carabta iyo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo dooneysay in ay ballaariso ganacsigeeda.

Shirkaddu waxa ay bilawday duulimaad todobaadle ah oo dhaqan-galay Jimcaha 9-ka February, iyada oo qorshaheedu yahay in uu safarto laba jeer todobaadkiiba bisha April.

Kenya Airways ayaa fulinta qorshahan waxaa kala shaqeeyay wakiilka iibka ee fadhigiisu yahay Dubai Global GSA Cargo LLC oo ah shuraakohooda saadka si ay ugu adeegaan Abu Dhabi iyo Muqdisho.

Diyaaradda Kenya Airways waxay ku kordhisay duulimaadkeeda xamuulka qaada diyaarad B737-800F bishii November ee la soo dhaafay, iyada oo qorshaynaysa in ay kiraysato diyaarad labaad oo taas la mid ah.

Diyaaradahan ayaa leh awood sare oo xamuul ah, waxaana ay ku shaqeeyaan duulimaadyo fogaan, marka loo eego Kenya Airways oo ah labada nooc ee B737-300F, oo ay isticmaali jirtay.

Sikastaba ha ahaatee, Kenya Airways ayaa u muuqata in suuqan ay kala wareegeyso Ethiopian Airlines taas oo labo jeer laga celiyay hawada Soomaaliya tan iyo markii uu xumaadey cilaaqaadka u dhaxeeya xukuumadaha Addis Ababa iyo Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM