Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Image

NAIROBI – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in dalka laga bilaabi doono wada-tashiyo heer qaran ah oo lagu diyaarinayo istaraatiijiyadda horumarinta muddada dheer ee Kenya, taas oo beddeli doonta qorshaha Vision 2030 marka uu dhammaado.

Khudbad qaran oo si toos ah looga baahiyay warbaahinta dalka ayuu Ruto ku sheegay in wada-tashiyadu ay si rasmi ah u billowdaan 12-ka Agoosto, isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada si loo dejiyo jihada cusub ee horumarka dhaqaale iyo bulsho ee Kenya.

"Qorshahan wuxuu noqon doonaa ajande qaran oo ay leeyihiin shacabka Kenya, mana noqon doono mashruuc siyaasadeed ama qorshe u gaar ah hal dowlad," ayuu yiri Ruto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guddi khubaro ah oo ay ka mid yihiin Prof. Hiroyuki Hino iyo Prof. Anyang' Nyong'o ay qiimeeyeen mustaqbalka Kenya marka uu dhammaado qorshaha Vision 2030, isla markaana ay soo jeediyeen talooyin ku saabsan himilada cusub ee dalka.

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah, warshado horumarsan leh isla markaana si caalami ah ula tartami kara haddii la hirgeliyo dib-u-habaynta la soo jeediyay.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in qorshaha kama dambaysta ah lagu saleyn doono aragtida iyo talooyinka shacabka, halkii si toos ah looga qaadan lahaa talooyinka khubarada.

Ruto ayaa sheegay in wada-tashiyada ay ka qeyb geli doonaan siyaasiyiin, aqoonyahanno, ganacsato, hoggaamiyeyaal diimeed, ururrada bulshada rayidka ah iyo dhalinyaro, iyadoo sidoo kale laga faa'iideysan doono khibradaha caalamiga ah ee la xiriira ururinta fikradaha bulshada.

Qorshaha Vision 2030, oo la daahfuray sanadkii 2008, ayaa ahaa istaraatiijiyadda muddada dheer ee Kenya ee lagu hiigsanayey in dalka loo beddelo dhaqaale dhexdhexaad ah oo warshadaysan, iyada oo la maalgelinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, wax-soo-saarka, waxbarashada iyo maamulka. Wada-tashiyada cusub ayaa lagu dejin doonaa himilada horumarineed ee Kenya wixii ka dambeeya Vision 2030.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM