Kenya oo faafisay qorshaha ay diirada saareyso hadii ay hesho kursiga QM

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa waxay soo bandhigay todoba qodob oo ay sheegtay in ay diiradda saareyso hadii ay ku guuleysto kursiga Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay oo Jabuuti ay ku loolamayaan.

Bartamaha bishaan ayaa qorshuhu in Golaha Guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa uu cod u qaado wadamadda is-haya oo midba uu dhinaciisa si gaar ah uga wato ololaha uu kusoo jiidanayo dalalka coddeynaya.

Kursiga ay isku hayaan dalalkaan ayaa qayb kamid ah shan kuraas oo kamid ah tobbanka xubnood ee aan joogtada ahayn ee fadhiga Golaha Ammaanka oo jaan-gooya siyaasadda, ammaanka iyo nabada caalamka.

Raychelle Omamo, wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo rumeysan in waddankeeda uu yahay mid u qalma in uu kusoo baxo tartanka, ayaa hoosta ka xariiqay in ay meteli karaan qaaradda Afrika.

Maqaal ay ku qortay wargeyska afka dheer ee Daily Nation ayay kusoo bandhigtay qorsheyaasha hor-tabinta u leh kuwaas oo kala ah;

Dhismaha buundooyinka oo qayb ka ah ololaha la dagaalanka Covid-19, nabad-ilaalin iyo taageerada howlgaladda; nabadda iyo ammaanka gobolka; ka hortagga argagixisada iyo joojinta xagjirnimadda; awood-siinta dumarka, nabada iyo ammaanka; dhalinyarada; ficilada samafalka, cadaaladda, xuquuqul insaanka, dimuqraadiyadda, degaanka iyo isbedelka cimilada, iyo horumar joogto ah.

Midowga Afrika ayaa August u doortay Kenya in ay metesho Afrika, hase ahaatee, Jabuuti waxay ku doodeysaa qodob kale oo loo qaateen ah kaasoo sheegaya in labadooda ay metelaad u dambeysay Nairobi.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo dacwad dhanka badda ay kala dhaxeyso Kenya ayaa waxay horey u taageertay Jabuuti, waxayna sii shaacisay in ay codkeeda siin doonto "dowladda aynu walaalaha nahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM