Kenya oo qareeno cusub u qoratay dacwadda badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Garsoore hore ee maxkamad caalami ah iyo bare qaanuunka ka dhiga dalka Ingiriiska ayaa qeyb ka ah koox sideed xubnood ah oo dowladda Kenya u kireystay in ay difaacaan doodeeda dacwada badda ee Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Prof Sean Murphy oo ka tirsan George Washington School of Law ayaa hogaaminaya kooxda oo uu weheliyo Garsoore Tullion Treves, oo hore u ahaan jiray garsooraha maxkamada caalamiga ah ee sharciga badaha. Garsoore Treves sidoo kale wuxuu ka soo muuqday Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada (ICJ) isaga oo qeyb ka ahaa garnaqa kiis u dhaxeeya Peru iyo Chile.

Prof Phoebe Okowa, oo bare ka ah Sharciga Caalamiga ee Jaamacadda Queen Mary ee London ayaa ah qofka kaliya ee Kenyanka ah ee kooxda ku jira Waxay qeyb ka aheyd dacwada ay Gambia ka gudbisay Myanmar. Iyadu waa arday ka qalin jabisay Jaamacadda Nairobi si gaar ah heerka koowaad.

Sidoo kale, waxaa kooxda ka mid ah Prof Makane Mbengue, oo reer Senegal ah, oo ka dhiga sharciga caalamiga ah ee Jaamacadda Geneva. ICJ ayuu mar dacwad u gudbiyey. Tusaale ahaan, 2015-kii wuxuu Midowga Afrika ku metelay dacwad sharciyadeed oo gobolka Chagos Archipelago looga jarayey Mauritius. Wuxuu noqon doonaa isku duwaha kooxda difaaca Kenya ee kiiska badda.

Isla jaamacadda Geneva waxaa ka socda Prof Laurence Boisson De Chazournes oo khabiir ku ah sharciga caalamiga. Waxay haysataa laba jinsiyadood - Switzerland iyo Faransiis.

Xubin kale oo kooxda ka tirsan waa Christian Tams, oo bare ka ah Jaamacadda Gasglow. Waa muwaadinad Jarmal ah oo waaya-aragnimadeeda la wadaageysa, iyaddoo horey kaga soo muuqatay isla maxkamada kiisas kala duwan.

Kenya ayaa sidoo kale waxay Yahuuda kala soo wareegtay Eran Sthoeger kaasoo ka qeyb-qaatay kiiska Peru ka gudbisay dhigeeda Chile.

Liiska sidoo kale waxaa ku jira Madaxweynaha Nuqulada Juquraafiga, Coalter Lathrop kaasoo doorkiisu yahay in uu kooxda Kenya siiyo caawimaad sawir gacmeed iyo sharciyeed kuna saabsan xuduudaha badda.

Kooxda ayaa badashay qareenada kala ah; Karim Khan, Payam Akhavan (American), Makena Muchiri (Kenya), Vaughan Lowe, (British), Alan Boyle (British), Mathias Forteau (French) iyo Amy Sanders (British).

Bedka badda ee Kenya waa ku dhowaad 255,000km, kaas oo lagu go'aamiyey iyada oo la barbar dhigayo joogtaxa 1979. Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sheegashada Kenya ee Aaga Hodanka ah muddo 35 sano ah.

Si kastaba ha noqotee, 2014, waddanka Geeska Afrika wuxuu dacwad ka gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Gal-dacwadeedka waxaa gudbiyey Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Maalgashiga Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale, 28-kii Ogos sanadka markii uu ahaa 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo shaacisay in ay Soomaaliya la galeyso heshiis dhanka Jaadka ah

Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Xasan Sheekh uu dhowaan la kulmay dhigiisa William Ruto.

  • Afrika

    23-04-2024

  • 06:03AM

Ciidamada Nigeria oo u aargudaya askar looga dilay weerar jidgal ah

Ciidamadan ayaa Jimcihii la soo dhaafay ku sugnaa tuulada Karaga ee deegaanka Shiroro.

  • Afrika

    22-04-2024

  • 06:26AM