Kenya oo qof Soomaali ah laga helay fayruska Corona

Image

NAIROBI, Kenya – Wasaarada Caafimaadka Kenya ayaa shaacisay in qof Soomaali ah uu kamid yahay dadkii u dambeeyay oo ay ka heshay Coronavirus, lana jiifiyey isbitaaladda lagula tacaalo caabuqa dilaaga ah.

Bukaankan aan magaciisa lasoo bandhigin ayaa lagu waramay in uu haysto Baasaboorka Soomaaliga, wallow aan la xusin halkuu ka tegay.

Tirada kiisaska cudurka ee gudaha Kenya ayaa kor-u-dhaafaya boqol, iyaddoo dadka laga baarey ay kun ka badan yihiin, saddex ruux ayaana u dhimatay, sidda ay muujineyso warbixinta wasaaradda.

Soomaalida ayaa lagu eedeeyay in aysan u hogaan-samin amarada kasoo baxay dowladda ee lagu xakameynayo faafitaanka xanuunkaas.

Go'aanada oo dhaqan-galay waxaa kamid ah; bandow waqtiga habeenkii ah, joojinta isu imaatinka iyo isu socodka aan muhiim ahayn.

Kaliya qaarada Yurub waxaa fayruska uu ku dilay in ka badan 40 qof oo Soomaali ah, oo uu ku jiro Nuur Xasan Xuseen oo loo gaqan-og-yahay Nuur Cadde, ra'iisul wasaarihii dowladdii ku meelgaarka, 2007-09.

Guud ahaan caalamka, hay'adda caafimaadka aduunka ayaa warisay in caabuqa ay qaadeen in ka badan hal milyan oo ruux, iyaddoo dadka u geeriyooday ay ku dhow yihiin 50-kun, waxaana kasoo kabtay 150-kun kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM