Kenya oo shaacisay mowqifkeeda dagaalka ciidamada Janan iyo DF

Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay iska hor-imaadkii todobaadka Baladxaawo ku dhexmaray ciidamada taabacsan Cabdirashiid Janan iyo booliska Soomaaliya ee Haramcad.

Dagaalka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa lagu waramay in uu ka dhacay nawaaxiga aagga loo yaqaano BP1 oo ku dhow xuduudka Mandera ee waqooyi bari Kenya.

Illo wareedyo degaanka ah ayaa u sheegay Garowe Online in qoryaha garbaha laga gano ee loo yaqaano Zaban oo laga soo tuuray Baladxaawo ay kusoo dhaceen xafiisyada maamulka ee Mandera.

Si gaar ah, waxaa lasoo wariyey in ay haleeleen gidaarka dhismaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta Maaliyadda faraceeda dowlad goboleedkaas.

Onesmus Kyatha, taliyaha booliska ismaamulka Mandera oo muujiyey sidda uu uga xun-yahay, ayaa ka gaabsaday tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan dhacdadaas.

"Waa wax naga careysiinaya. Balse waxaan sii qiimeyn doonaa xaaladda hadii ay sii socdaan. Ma ahan wax na quseeya, balse waxay ka dhacayaan wadan kale," ayuu u sheegay jaraa'idka The Nation.

Jaraa'idka Daily Nation ayaa daabacay in ciidamada Jubaland ee daacadda u ah Cabdirashiid Janan oo ay wehliyaan askar Kenyaan ah ay bilaabeen xabada xilli ay wadeen socod roondo ah.

Kadib iyo markii looga awood-roonaadey isku dhacii Beledxaawo ee 2-dii bishii lasoo dhaafay ee Maaj, ciidamada Jubaland ayaa degay Koromey oo ah duleedka Mandera, halkaas oo ay isku uruursadeen.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaysa ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka ahayn howlgalka AMISOM iyo Jubaland ayaa isku haya gacan ku haynta gobolka Gedo oo magaalooyin ay kala xukumaan.

Villa Soomaaliya, oo diidey in ay la shaqeyso maamulka dib loo doortay ee madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa lagu eedeeyay in ay ka shaqeyneyso khal-khalgelinta ammaanka gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM