Kenya oo warqad u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya
NAIROBI, Kenya – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa warqad la xiriirta shilka diyaaradeed ee shalay ka dhacay magaalada Bardaale u dirtay dhigeeda dalka Soomaaliya, sidda uu ku waramay wargeyska Daily Nation.
Warqadaas ayaa looga dalbaday xukuumadda Muqdisho in ay baarto "arrimaha aan caddeyn" ee u geedaaman burburka diyaaradaas.
Sidda ku xusan warbixinta jaraa'idka, Nairobi ayaa ka digtay in shilkaas uu waxyeeleyn karo gargaarka bini'aadanimo ee Soomaaliya.
"Kenyanka iyo diyaaradaha kale ee samafalka ee ka howlgala gobolka ayaa lagu boorinayaa in ay kordhiyaan feejignaanta kasoo ifbaxday duruufaha aan caddeyn ee ku geedaaman shirkaan," ayaa lagu yiri qoraalka.
Warqadda ayaa intaas waxaa la raaciyey: "Wasaaradda Arrimaha Dibadda [Kenya] ayaa waxay si dhow ugala shaqeyneysa hay'addaha kale baaritaanka iyo dabagalka ku aadan dhacdadaan naxdinta leh, waxayna kaashan doontaa dhamaan darafyadda si loo helo gabagabada iyo xalka".
Lix qof – laba duuliye, Injineerka duulimaadka iyo saddex qof oo laba Soomaali ay yihiin – oo la socday diyaaraddan sidday shixnad u badan gargaar caafimaad ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen musiibadaas.
Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka duulista hawada Soomaaliya oo wacad ku maray in ay baaritaan dhab ku sameyn doonan shilkaas, ayaa tibaaxay in ay khuburo u direen meesha uu shilku ka dhacay.
Mas'uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in ay aaminsan yihiin in ciidamada Itoobiya oo carbis milatari sameynayey ay si aan ola kac ahayn u soo direen diyaaradda African Express.
Shilkaan ayaa dhacay xilli xiriirka iyo iskaashiga ee Muqdisho, Addis Ababa iyo Nairobi uusan hagaagsaneyn isla markaana bilooyinkii u dambeeyay uu ka dhaxeeyay loolan siyaasadeed, dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeed.
GAROWE ONLINE