Kenya: Ugu Yaraan Afar Qof oo Ku Dhintay Dibaydaxyo Ka Dhan Ah Sicir-bararka Shidaalka

Image

NAIROBI — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay, halka 30 kale ay ku dhaawacmeen dalka Kenya, ka dib markii dibad-baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo kor u kaca xooggan ee qiimaha shidaalka ay ku baheen dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa sheegay in ugu yaraan 348 qof la xiray maalintii Isniinta. Dadkan ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay u taageeraan shaqo-joojin qaran oo ay ku dhawaaqeen gaadiidka dadweynaha.

Dowladda Kenya ayaa wajahaysa walaac xooggan, maadaama dibad-baxyo sidan oo kale ah oo dhacay labadii sano ee la soo dhaafay ay qarka u fuuleen inay faraha ka baxaan. Inkastoo ay jireen iska-caabin adag oo ay boolisku sameeyeen, kuwaas oo sababay dhimashada darsino dad ah, haddana dibad-baxyada ayaa dib u soo laba-kleybeeyay.

Waddooyinka hormada u ah badhtamaha magaalada Nairobi ayaa Isniintii noqday kuwo faaruq ah, ka dib markii ay boolisku sunta dadka ka ilmeysiisa ku gubeen dibad-baxayaasha. Dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa dhagaxaan tuuray, iyagoo jidadka waaweyn ku xiray taayiro gubanaya.

Shaqo-joojintan ayaa saameysay magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan caasimadda Nairobi iyo magaalada ku taalla koonfurta ee Mombasa, halkaas oo dad badan ay ku tiirsan yihiin adeegga basaska. Tani waxay ku qasabtay ardayda iyo shaqaalaha inay masaafo dheer u lugeeyaan iskuulada iyo goobaha shaqada.

Ururada u dooda gaadiidka ayaa dowladda ka dalbaday inay ka laabato go'aankii dhowaan dib loogu qaaday qiimaha shidaalka. Kenya ayaa toddobaadkii la soo dhaafay qiimaha shidaalka tafaariiqda ah kor u qaadday 23.5%, iyadoo bishii horena ay kordhisay 24.2%.

Kharashka shidaalka ee sare u kacay ayaa hadda cirka ku tolay qiimaha cuntada iyo agabka kale ee aasaasiga ah. Tani waxay culays weyn ku keentay nolosha malaayiin qof oo markii horeba la tabaalaysnaa dhaqaalaha adag ee dalkaas.

Wasaaradda Tamarta iyo Betroolka ee Kenya ayaa difaacday go'aanka qiimo kordhinta, iyadoo sheegtay in tallaabadan loo qaatay sababo la xiriira isbedbedelka joogtada ah ee suuqyada shidaalka caalamka, kaas oo ka dhashay dagaalka ka qarxay dalka Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM