Khalifa Haftar iyo Wakiilka QM ee Libya oo Ka Wadahadlay Qorshe Siyaasadeed Cusub
Benghazi, Sebtembar 8, 2025 – Taliyaha ciidamada Bariga Libya, Khalifa Haftar, ayaa Axaddii kulan la qaatay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Libya, Hanna Serwaa Tetteh, si ay uga wada hadlaan qorshe cusub oo lagu jebinayo xayiraadda siyaasadeed ee dalka ka taagan muddo dheer.
War kasoo baxay xafiiska Haftar ayaa sheegay in wada-hadalladu ay diiradda saareen qorshaha Tetteh bishii lasoo dhaafay u soo gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Qorshahan ayaa ku baaqaya in la sameeyo dowlad kumeelgaar ah oo keliya, taasoo u diyaarisa doorashooyin madaxtinimo iyo baarlamaan.
Hawlgalka Qaramada Midoobay ayaa ku dadaalaya in la helo heshiis u dhexeeya maamulada kala duwan ee Libya si loo fududeeyo qabsoomida doorashooyinka.
Haftar iyo Tetteh ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii loo taageeri lahaa hannaanka siyaasadeed, loo ilaaliyo xasiloonida caasimadda Tripoli, loona hortago colaado dheeraad ah oo ka dhalan kara xiisadaha cusub ee soo kordhay.
Caasimadda Libya ee Tripoli ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ka jiray xiisado u dhexeeya kooxo u heelan dowladda midnimada iyo ciidamo la xiriira Ciidanka Gargaarka Gaarka ah, oo ah hay’ad amni oo la burburiyay bishii May, markii Ra’iisul Wasaare Cabdulaahi Xamid Dbeibeh amar ku bixiyay.
Hawlgalka Qaramada Midoobay iyo Golaha Madaxweynaha Libya oo uu guddoominayo Maxamed al-Menfi ayaa ka shaqeynaya sidii xiisadaha loo dejin lahaa loona sii wadi lahaa diyaar-garowga doorashooyinka.
Libya weli waxay u kala qaybsan tahay laba maamul oo is haya: mid uu hoggaamiyo Dbeibeh oo fadhigiisu yahay Tripoli kuna leh awood galbeedka dalka, iyo mid kaloo uu magacaabay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka bishii hore ee 2022, kaas oo uu hoggaamiyo Osama Hammad una fadhiyo Benghazi, isla markaana maamula bariga iyo koonfurta dalka.
GAROWE ONLINE