Kiisaska Covid-19 ee Jabuuti oo qarka u saaran in ay gaaraan kun

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Arbaco ah waxay ku dhawaaqdey in ay diiwaan-gelisay 28 kiis cusub oo ah fayruska safmareenka ah ee Corona.

Tani ayaa ka dhigan in tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee waddankaas ay haatan tahay 974, kuna dhow-dahay kun xaaladood.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa intaas ku daraya in dadka kasoo kabtay cudurka ay tiradoodu tahay 183.

Kororkaan xad-dhaafka ah ayaa loo aaneeyay muwaadiniinta oo aan si wanaagsan ugu hogaan-samin talooyinka caafimaad ee xukuumadda.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku goodiyey in ay soo rogi doonan bandow adag, haddii uusan isbedelin hab-dhaqanka dadweynaha oo uu ku dhaliilay in ay yareysanayaa xanuunka.

Isagoo ku hadlaya luuqada Faransiiska ayuu carabka ku dhuftay in ay aad u sareyso suurtalgalnimadda in kiisaska ay sii bataan.

Jabuuti ayaa kamida dalalka Geeska Afrika ee tiradda kiisaska ay si maalinle ah u kordhaan, waxaana hooseysa suurtagalnimadda in uu hoos-u-dhac yimaado, maadaama ay badan tahay dadka laga baarayo.

QORAALKA

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM