Kiisaska Corona ee Kenya oo dhaafay kun xilli la kordhiyey xayiraada Islii

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa waxay Arbacadda maanta ah waxay shaaca ka qaadey in ay diiwaan-gelisay 66 xaaladood cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee dunida heeganka geliyey ee Coronavirus.

Tani ayaa macnaheedu yahay in wadarta kiisaska caabuqa ee gudaha waddankaas ay gaartay 1,029. Bukaanada cusub laba kamid ah waa ajaaniib, halka inta kale ay yihiin muwaadiniin Kenyan ah.

Mutahi Kagwe, wasiirka caafimaadka, ayaa sheegay in ay xoojin doonan dhamaan talaabooyinka sahlaya in la sameeyo baaritaan intaas ka badan si loo kala saaro dadka qaba iyo kuwa aan la nooleyn.

Talaabooyinka illaa iyo haatan xukuumadda Nairobi u qaadey ka hortagga xanuunka waxaa kamid ah hirgelinta sheybaar dhanka telefoonka ah iyo agab horleh oo tjibaaooyinka ah.

Waddanka Jarmalka ayaa laga keenay qalabkaas oo qayb ka ah la dagaalanka faafitaan horleh oo uu sameeyo fayruskaan kasoo bilowday bartamaha Shiinaha, bishii December ee 2011-kii.

Intii uu socday shirka jaraa'id, Mutahi Kagwe ayaa carabka ku dhuftay in la kordhiyey mudada xayiraada isu socodka magaaladda Islii iyo aaga Old Town ayna ku eg-tahay 6-da bisha June ee sanadkan 2020.

Xaafadda Islii waxaa ku badan Soomaalida ku dhaqan waddanka Kenya, waxaana talaabadan ay culeys ku tahay dabaaldega Ciidul Fidriga.

Kenya ayaa waxay soo warisay 50 geeri ah oo uu sababay fayruskaan si fudud u faafa iyo ku dhowaad 400 oo ka caafimaaday. Wadarta dadka laga baarey waxay ku dhowdahay 47-kun oo ruux, illaa iyo haatan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo gaaray Addis Ababa, Itoobiya

Booqashadan ayaa ku xigtay booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos.

  • Afrika

    11-02-2026

  • 01:53PM

Masar oo Digniin Ka Soo Saartay Gelitaanka Israa’iil ee Badda Cas iyo Aqoonsiga Somaliland

Ilaa hadda, Israa’iil iyo Maamulka Somaliland midna si rasmi ah ugama hadlin digniinta ay Masar soo saartay.

  • Afrika

    09-02-2026

  • 09:12PM