Kiisaska safmarka Coronavirus ee gudaha Jabuuti oo ku dhow 4,400

Image

DJIBOUTI CITY, Djibouti – Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxay ku dhawaaqdey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 42 kiisas cusub oo ah safmareenka dilaaga ah ee Coronavirus.

Tani ayaa la macno ah in wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ee gudaha dalkaas ay noqoneyso 4,373, taas oo ka dhigan in ay ku dhow-dahay 4,400 oo ay buux-sami karto saacadaha nagu soo fool leh.

Xaaladaha cusub ee soo kordhay afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaacay ayaa kamid ahaa 745 ruux oo xanuunka laga baarey. Illaa iyo hadda Jabuuti waxay fayruskan ka baartay tirro dhan 38,240.

Dhimashadda ayaa waxay mareysaa soddon iyo afar [34], halka bukaanadda ka bogsanaya ay cagacageynayaan 2,260 oo kasoo bogsaday.

Bishii April ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii kiiskii ugu horeeyay ee la xiriira Covid-19 laga helay gudaha Jabuuti; sarkaal kamid ah ciidamadda Spain oo waddankiisa kasoo laabtay ayaana laga helay.

Jabuuti ayaa kamid ah meelaha laga bilaabay tijaabadda in daawada malaariyadda ay ka hortagto Coronavirus, hase ahaatee, hay'adda caafimaadka aduunka waxay ku talisay in gebi ahaanba la joojiyey.

Hay'adda WHO oo la tacaalida cudurkan ku weysay taageeradda maaliyadeed ee Mareykanka markii uu qoonsaday shaqadda ay waddo ayaa haatan wada dedaalo talaal loogu baadigoobayo xanuunkan halista badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM