Madaxweynaha Senegal oo xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha, dowladdiina kala diray

Image

Madaxweynaha Bassirou Diomaye Faye ayaa xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaare Ousmane Sonko isla markaana kala diray dowladda, tallaabo la sheegay inay sii kordhin karto hubanti la’aanta siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka jirta dalka Senegal.

Bayaan laga akhriyay warbaahinta dowladda Jimcihii ayaa lagu sheegay in dhammaan wasiirradii dowladda shaqada laga eryay, iyadoo xukuumaddii hore loo xil saaray inay sii waddo howlaha maalinlaha ah ilaa laga soo magacaabayo dowlad cusub.

Go’aankan ayaa yimid kadib bilo ay sii kordhayeen khilaafaadka u dhexeeyay Madaxweyne Faye iyo Sonko, oo ahaa siyaasi caan ku ah taageerada xooggan ee dhalinyarada.

Sonko ayaa taageeray Faye doorashadii madaxtinimada ee sanadkii 2024 kadib markii isaga laga mamnuucay inuu tartamo sababo la xiriiray xukun hore oo sumcad dil ah, balse labada hoggaamiye ayaa si tartiib tartiib ah ugu kala fogaaday siyaasadda.

Khilaafka cusub ayaa kusoo aadaya iyadoo Senegal ay wajahayso cadaadis dhaqaale oo sii kordhaya. International Monetary Fund ayaa hakisay barnaamij deyn ah oo gaaraya $1.8 bilyan kadib markii la ogaaday deymo si khaldan loo diiwaangeliyay oo ay qarisay dowladdii hore, taasoo sare u qaaday heerka deynta dalka ilaa 132 boqolkiiba wax soo saarka dhaqaalaha dhammaadka 2024.

Tallaabada Madaxweyne Faye ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo dib u dhac kale oo ku yimaada wada-hadallada cusub ee IMF iyo Senegal.

Kahor xil ka qaadista Sonko, Wasiirka Maaliyadda Cheikh Diba ayaa baarlamaanka u sheegay in dowladda ay rajaynayso inay dib u bilowdo wada-hadallada IMF toddobaadka billaabanaya 8-da June, isla markaana heshiis laga gaaro qodobbada muhiimka ah kahor 30-ka June.

Sonko ayaa ahaa hoggaamiye mucaarad caan ah xilligii dowladdii hore ee Madaxweyne Macky Sall, kaasoo dib u dhigay doorashadii 2024 taasoo dhalisay rabshado iyo mudaharaadyo.

Labada nin ee Faye iyo Sonko ayaa hore uga tirsanaa saraakiisha canshuuraha, waxaana la xiray kahor doorashadii 2024. Waxay xabsiga kasoo baxeen 10 maalmood kahor doorashada dib loo dhigay, iyadoo Faye ugu dambeyn ku guuleystay 54 boqolkiiba codadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dimuqraadiyadda Afrika oo hoos u dhacaysa, hoggaamiyeyaashuna awoodda isku koobayaan

Ibrahim ayaa walaac ka muujiyay doorashooyinkii sanadkii ugu dambeeyay ka dhacay Tanzania iyo Uganda.

  • Afrika

    02-11-2026

  • 06:23AM

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM