Madaxweyne iyo dhamaan xubnaha golahiisa wasiirada oo la karantiilay

Image

GABORONE, Botswana – Madaxweynaha Botswana, Mokgweetsi Masisi, iyo dhamaan xubnaha golahiisa wasiirada ayaa karantiil galay markii kalkaaliye ka baarayey Coronavirus la xaqiijiyey in uu qaadey cudurka.

Sidoo kale, xubnaha baarlamaanka dalkaas ayaa karan-tiil la geliyey. Xildhibaan ayaa xaqiijiyey in muddo huruuriska ay ku jiri doonan 14-maalmood kadibna loosoo bandhigi doono natiijadda.

Waddankaan waxaa laga helay 13 kiis oo caabuqaas ah; intaas waxaa wehlisa in uu jiro hal qof oo illaa iyo haatan u geeriyooday xanuunkaas.

Sidda uu sheegay Dr Lemogang Kwape, wasiirka caafimaadka, mid kamid ah bukaanadda kiisaska cusub waa shaqaale caafimaad.

Ruuxaas ayaa shalay ku qornaa in Xildhibaanadda iyo madaxda kale uu ka hubiyo haddii uu soo ritay fayruskaas safmareenka ah.

Warkaan ayaa soo if-baxaya xili madaxweyne Masisi uu diidey in uu lix bilood ku kordhiyo xaaladda deg-deg ah ee dalkaas la geliyey.

Mas'uuliyiinta waddankaas dhaca koonfurta Afrika isla markaana aan badda lahayn, ayaa dadweynaha ku booriyey in ay is-dejiyaan.

Tan iyo markii uu bishii December sanadkii 2019 uu kasoo bilowday Wuhan, bartamaha Shiinaha, Covid-19 oo ku faafay inta badan qaaradaha caalamka ayaa ku dhacay 1.5 milyan oo qof, iyaddoo uu galaaftay 90-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM