Madaxweyne iyo dhamaan xubnaha golahiisa wasiirada oo la karantiilay

Image

GABORONE, Botswana – Madaxweynaha Botswana, Mokgweetsi Masisi, iyo dhamaan xubnaha golahiisa wasiirada ayaa karantiil galay markii kalkaaliye ka baarayey Coronavirus la xaqiijiyey in uu qaadey cudurka.

Sidoo kale, xubnaha baarlamaanka dalkaas ayaa karan-tiil la geliyey. Xildhibaan ayaa xaqiijiyey in muddo huruuriska ay ku jiri doonan 14-maalmood kadibna loosoo bandhigi doono natiijadda.

Waddankaan waxaa laga helay 13 kiis oo caabuqaas ah; intaas waxaa wehlisa in uu jiro hal qof oo illaa iyo haatan u geeriyooday xanuunkaas.

Sidda uu sheegay Dr Lemogang Kwape, wasiirka caafimaadka, mid kamid ah bukaanadda kiisaska cusub waa shaqaale caafimaad.

Ruuxaas ayaa shalay ku qornaa in Xildhibaanadda iyo madaxda kale uu ka hubiyo haddii uu soo ritay fayruskaas safmareenka ah.

Warkaan ayaa soo if-baxaya xili madaxweyne Masisi uu diidey in uu lix bilood ku kordhiyo xaaladda deg-deg ah ee dalkaas la geliyey.

Mas'uuliyiinta waddankaas dhaca koonfurta Afrika isla markaana aan badda lahayn, ayaa dadweynaha ku booriyey in ay is-dejiyaan.

Tan iyo markii uu bishii December sanadkii 2019 uu kasoo bilowday Wuhan, bartamaha Shiinaha, Covid-19 oo ku faafay inta badan qaaradaha caalamka ayaa ku dhacay 1.5 milyan oo qof, iyaddoo uu galaaftay 90-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM