Mareykanka oo ergay u soo magacaabanaya Geeska Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa wuxuu ku fekeraya in uu ergay gaar ah u soo magacaabo Geeska qaaradda Afrika, sidda uu wariyey wargeyska afka dheer ee Foreign Policy.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, talaabadan waxay salka ku haysaa sidii Mareykanka wax uga qaban lahaa xasilooni daradda iyo colaadaha ka oogan gobolkan muhiimka u ah reer Galbeedka.

"Wakiilka cusub wuxuu buuxin doonaa gaabka ka jira xiriirka diblumaasiyadeed ee waaxda arrimaha dibadda iyadda oo mas’uuliyiin heer sarre ah loo kala magacaabo jagooyin kala duwan, waana geedi-socod qaadan kara todobaadyo ama bilooyin," ayaa lagu daray warbixinta.

Biden ayaa horey uga dhawaajiyey in maamulkiisa uu diiradda saari doono siddii uu cilaaqaad wanaagsan ula yeelan lahaa qaaradda Afrika oo Shiinaha kaga awood-roonaadey sanadihii lasoo dhaafay.

Maamulkii Donald Trump ayaa lagu dhaleeceeyay in uusan shaqo fiican ka qaban qaaradda Afrika taas oo dalalka uu Mareykanka la xifaaltamo ee Ruushka iyo China fursad u siisay in ay maalgashadaan.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda ka faa’iidi doono tartanka cusub eek a dhex-bilaaban doona Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka – balse waxay ku xirnaan doontaa qaabka ay madaxda u maareeyaan.

Dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya waxaa kamid ah amni darro ay qeybteeda ugu badan sabab u yihiin maleyshiyadda Al-Shabaab, xaalado bini’aadanimo, safmarka Covid-19 iyo la dagaalanka aafadda Ayaxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM